Kenyatta oo Xilkii ka Qaaday Wasiirkiisii Amniga iyo Taliyihii Booliska

0
367

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa xilkii ka qaaday  wasiirkiisa amniga gudaha, Joseph Ole Lenku, isagoo ku badalay Major General Joseph Nkaisery, wuxuuna aqbalay iscasiladda taliyaha Police-ka kaddib weerar ay dabley Al-shabab ah ku dileen 36 shaqaalo kaawada qoda.
Go’aanka ayaa waxaa sheegay madaxweyne Uhuru Kenyatta intii uu ku jiray khudbad Tv-ga uu ka jeedinayay. Wuxuu sheegay inuu aqbalay shaqo ka fadhiisiga taliyaha Poliiska, David Kimaiyo.
Madaxweynaha waxa uu ku tilmaamay kuwa weerarka Mandheera qaaday oo toogtay ama madaxa ka jaray kuwa aan Muslimiinta aheyn inay yihiin xayawaano waalan.
Wuxuu ku booriyay Kenyanka inay ku midoobaan wax uu ugu yeedhay dagaalka argagixisada looga horjeedo.
Toban maalmood ka hor ayey Al-shabaab dileen 28 rakaab aan Muslimiin aheyn kaddib markii ay afduubteen bas isla goobtaas Kenya ku taal taas oo u dhaw xadka Soomaaliya.
 
 

Leave a Reply