Lubnaan oo Xidhay Xaaska Hoggaamiyaha Daacish iyo Wiil uu Dhalay

0
388

Wararka ka imaanaya Lebanon ayaa sheegaya in xaaska hogaamiyaha Dowladda Islaamka, Abuubakar Al-baqdadi, iyo mid ka mid ah wiilasha uu dhalay  ay ku xidheen ciidamada Lebanon xadka ay la leeyihiin Syria.
Wargeys fadhigiisu yahay Beirut, Assafir, ayaa sheegay in la xidhay dhowr maalmood ka hor iyagoo u gudbayay Lebanon oo sitayna waraaqo been abuur ah, waxaana su’aalo lagu weydiinayaa xarumaha wasaaradda difaaca. Dowladda Islaamiyiinta Dacish  ayaa afduub ku haysta ciidamo Lebanon ah, waxayna ku hanjabeen inay dilayaan.
Wariyaha BBC-da ee halkaasina waxa uu sheegayaa in xadhigan ugu dambeeyay ay Bayruut u isticmaali karaan in cadaadis ay ku saaraan Dowladda Islaamka.
 
 

Leave a Reply