Hargeysa (DAWAN)- Guddoomiyaha Guddi Hosaadka Ilaalinta Degaanka ee Golaha Wakiillada Sciid Warsame Ismaaciil, ayaa sheegay in Somaliland marin u noqotay dadka sida tuugada ah uga ganacsada Xayawaanka duur-joogta, gaar ahaan kuwa laga soo xado dalalka Geeska Afrika, isagoo walaac ka muujiyey inuu jiro gumaad iyo xaaluf lagu hayo degaanka Somaliland.
Xildhibaan Siciid Warsame Ismaciil oo shalay Golaha Wakiillada ka hor akhriyey warbixin ku saabsan deegaanka iyo sida xaalufka ba’an loogu hayo duur-joogta dalka.
Sidoo kale, Golaha Wakiillada waxa loo qaybiyey Xeerka Ilaalinta Duur-joogta iyo Kaymaha oo sida xildhibaanku sheegay ka dhashay daraasad xubno xildhibaanno ah ku sameeyeen dhibaatada degaanka Somaliland ee dhinaca xaafulka iyo dabar-goynta ugaadha.
Haddaba, qoraalka warbixinte ee xildhibaan Siciid Warsame ka hor akhriyey Golaha Wakiillada waxa uu u dhignaa sidan; “ Mudanayaal/Marwo, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa xeerka ilaalinta duurjoogta iyo kaymaha, xeerkan oo ka dhashay daraasad laga sameeyeen lixda gobol ee Somaliland 20/03/2012 ilaa 29/09/2012 looguna kuur galayay xogogaal u noqoshada xaalada guud ee deegaanka, daraasadaas ay qaadeen xubno xildhibaano ah oo la magac baxay Guddida Aragtida Wadaaga Degaanka (Green Coucus), waxaana ka soo baxay saddex xeer oo muhiim u ah ilaalinta deegaanka iyo duur-joogtiisaba oo kala ahaa:
- Xeerka Deegaanka ee Qaranka (National Environment Act)
- Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duurjoogta (Wildlife and Forestry Conservation Act)
- Xeerka Maamulka Qashinka (Waste Management Act)
Mudanayaal, waxa marag ma doonto ah in maanta xaaladda deegaanka ee dunidu ay uga warwarsan tahay isbedelka cimilada adduunka, taas oo samayn xoog leh ku yeelatay qaab nololeedka bulshada caalamka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo caafimaadkaba. Arrintas oo noqotay mid midaysan ka tashiga bulshada caalamka.
Mudanayaal, waxaad ogtihiin in maanta Somaliland ka jirto dhibaato ba’an oo xaalufinta dhirta ah, iyadoo loo isticmaalayo dhuxul iyo arrimo dhaqaaleba waxa kale oo iyana xaalad xun maraysa daryeelka iyo ilaalinta duurjoogta, iyadoo qaarkood ay marayaan dabar go’. Waxa waliba intaa sii dheer inay jiraan ugaadhsi ba’an oo ku socda duur-joogta Somaliland. Waxaa jira in Somaliland noqotay marinka ugu wayn ee laga dhoofiyo duur-joogta Afrikada bari iyo geeskaba sida ay qorayaan warbixinada ka soo baxa hay’adaha caalamiga iyo kuwa gobolkaba ee UNEP, CITES iwm,’ ayaa ka mid ahaa qoraalka uu xildhibaanku golaha ka hor akhriyey.
Waxa kale oo Guddoomiyaha Ilaalinta Degaanku xildhibaannada ka codsaday in ay aqoontooda xeerka ku kordhiyaan, dalkuna u baahan yahay, sidaa darteed sida ugu dhakhsaha badan u ansixiyaan.
By: Jamaal C/Raxmaan
Dawannews Hargeysa office