Laba caruur ah oo uu dhalay aabo lagu magcaabo Saami ayaa lagu guulaystay in la kala jaro,iyaga oo ahaa kuwo isku yaala markay soo dhasheen,waxaanay dhacdadani ka dhacday dalkaasi Hindiya.
Qalinkan ayaa waxa sameeyey dhakhaatiir tiro ahaan gaadheysay ilaa 40 dhakhtar,kuwaas oo maray intii ay qalinkan ku jireen ilaa 50 xaaladood oo kala duwan,waxaanu qalinkani soconaayey muddo 6 saacadood ah,sidaasna waxa qortay wargeyska lagu magcaabo Daily British Mile.
Labadan caruur ah ayaa kala ahaa Savora iyo Saboura,kuwaas oo labaduba ahaa gabdho,waxaanay ahaayeen kuwo iskaga yaaley caloosha,iyaga oo wadaagaayey beerka,waxaanay ahayd fursadooda badbaado siday dhakhaatiirtu sheegeen mid aad u yarayd.
“habka qaliin wuxu ahaa mid aad u adkaa,waxaanaanu kala kulanay caqabado kala duwan,gaar ahaana kala saarida unugyada dhuumaha ah ee beerka dhiiga geeya ,waxaanay taasi markasta keeni karaysay inuu yimaado dhiig bax”sidaas waxa yidhi Dr Neelam Moha Madaxa haystay qaybta qalinka ee cisbitaalka magaalada Madanta oo ku taala ismaamulka Haryana oo ku yaala Waqooyiga Hindiya.
Waalidka labadan caruura dhalay ayaa iyaguna farxad ka muujiyey siday maanta ugu guulaysteen dhakhaatiirtaasi qalinka caruurtaasi yar yar.