Nin Wadanka Shiinaha U Dhashay Oo Markii Ay Xaaskiisii Kala Tageen Ka Dib Samaystay Guri Uu Dusha Ku Qaato

0
362

Wiil u dhashay dalkaasi Shiinaha ayaa noqday qofka dadka dalkaasi ka yaabiyey kadib markii uu nolol cusub samaystay  kadib  gabadhiisii oo furiin ka dalbatay kadibna uu furay ,isaga oo in badan usoo jeediyey inay ka noqoto dalabka furiinka,waxaanay taasi keentay inuu ninkaasi keeno hab cusub oo uu kula qabsanaayo nolosha cusub ee uu galay.
Si uu taas ula qabsadona waxa uu samaystay guri uu markuu doono qaato ,marka uu u baahdo inuu ku seexdona dhulka dhigto,isaga oo ka hortegaaya inuu noqdo guri la’aan.
Sidaasna waxa lagu qoray wargeyska kasoo baxa dalkaasi Ingiriiska ee Daily Mail ,waxaana lagu magcaabaa ninkan Liu Ingshao ,waxaanay da’diisu tahay  39 jir.
Waxaanu ku nool yahay guri sida mobile ka uu u sameeyey ,isaga oo doonaaya inuu iska ilaaliyo xusuusta xaaskiisii oo ay kala tageen,waxaanu dhistay guri uu ka sameeyey xaabo iyo waxyaalo kale oo uu ku xidh xidhay,isaga oo ku qaadan kara dhabarkiisa,waxaanu geyn karaa meel kasta oo uu u baahdo.
Isaga oo aan dareemayn wax dhibaato ah ilaa intii uu furay xaaskiisa oo laga joogo muddo 6 sanno ah ,waxaanu wataa shaqadiisa oo ah inuu ururiyo quraaradaha meelaha wadooyinka ah yaala iyo sidoo kale xashiiska kaleba,isaga oo nolol ka raadinaaya,waxaanu sheegay inuu ka cararaayo kharashaadka guryaha kaga imanaaya.
Furiinka ayaa dalkaasi Chine ka ah wax laga xishoodo ,iyada oo ay keento marka labada qof kala tagaan inuu midkood la kulmo dhibaato,taas oo ku keeni karta waxyaalo halis gelin kara noloshiisa iyo ta bulshada intaba.
Waxa kale oo jira dhibaato kale oo kala taga kala soo derista dadka da’doodu ka hoosayso 18 jir ka,iyaga oo aad uga werwera qiimaha guryaha ay kiraysanayaan ,iyaga oo mararka qaarkood door bida  inay wada noolaadaan iyaga oo kala tegey iyaga oo ka cararaaya qiimaha sare ee guryaha ay kiraysanayaan markay kala tagaan.
Daraasad la sameeyey ayaa muujisay in dadka dhibaatadani soo gaadhay ay marka dambe xal gaadhaan ,waxaanay ku sheegtay tiro ahaan inay yihiin dadkaasi 10%,halka kuwo kalena ay inta badan ka digtoonaadaan inay tan oo kale ku dhacdo.
 

Leave a Reply