Sadaam Xuseen Bastooladiisii Oo Lagu iibyay 350 Kun Doller

0
399

Maxkamad ku taalla Gobolka New Jersey ee Maraykanka ayaa ku xukuntay muwaadin Maraykan ah oo lagu magcaabo Howard Blomenthan 5 sano oo xadhig ah,  ka dib markii ay ku cadaatay inuu ka soo tahriibiyay dalka Ciraaq hub uu laha Madaxweynihi Ciraaq ee la dilay Sadam Xuseen iyo qoyskiisu. Ninkan ayaa qirtay inuu hawshan galay. Xeer ilaaliyaha guud ayaa cadeeyay in ninkan ujeedadiisu ahayd ka ganacsiga hubkan oo ah mid naadir aadna u qiima sareeyay   Hubkan ayaa ka kooban 7 qaybood  oo kala duwan kuwaasi oo qiima ahaan gaadhayay 250 – 350 kun doller.   Hubkan ayay ugu muhiimsanayd bastooladii Sadam Xuseen oo ahayd  mid ka samaysan dahab iyo qorigiisii Ak-ga ahaa.

Leave a Reply