SONSAF Oo Qabatay Kulan Lagaga Hadlayey Sidii Loola Soo Bixi-lahaa Macdanta Ku Duugan Somaliland

0
400

Hargeysa (Dawan) Dallada Ururada aan Dawliga ahayan ee SONSAF  ayaa shalay magalada Hargeysa ugu furay ururada bulshada kulan aqoon is-waydaarsi iyo wacyi galin  ah oo laga hadlaayey  sidii bulshada loogu baraarujin  lahaa sida loola soo baxo shidaalka iyo macdahana ku duugan dhulka Somaliland
 
Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiirka Arimaha Gudaha  Cali Maxamed Waran Cade,  iyado kulankaasi  la isku  waydarsaday   sidii  shidaalka iyo macdanta loola soo bixilahaa, waxaana kulankani  goob joog ka ahaa, wasiirro, xildhibaano ka tirsan golayaasha qaranka iyo xubno  ka mid ah hay’addaha caalamiga ah.
 
Agaasimaha Dalada Ururada Aan Dawliga Ahayn Maxamed Maxamuud Barawaani isaga oo sharaxaad ka bixiyay ujeedada kulankan waxaanu yidhi  “Ujeedada kulankani waa in la ilaaliyo danaha guud ee bulshadu wada leedahay, ururada aan dawliga ahayn, waxa ay u taagan yihiin ilaalinta deegaanka waanu u mahad celinaynaa wasiirka macdanta iyo tamarta Xuseen Axmed Ducaale sida fiican ee uu u soo bandhigay xeerarka iyo shaqooyinka ku saabsan shidaal baadhista iyo guud ahaan khayraadka dalka, ururada aan dawliga ahayn, waxaa ay u taagan yihiin ama ujeedada kulankani tahay in madaxda dalka  la waydiiyo su’aalaha ay bulshadu tabayso sida in xeerar jiraan lagu maamulayo hawlaha hada socda sida khayraadka dabiiciga ah.”
 
Agaasimaha Dallada Ururada aan Dawliga ahayn Maxamed Maxamuud Barawaani, waxa kale oo uu intaa u daray “ Sida aad dhamaantiin ka warqabtaan khayraadkaa dabiiciga ahi waxaa uu dalal badan oo qaarada Afrika iyo caalamkaba ah galiyay dhibaato, sababta aanu shirkan u qabanay waxaa kamid ah in aanu dhibaatooyinkaa ka hortagno Somaliland si nabad ah oo xirfadi ku jirto looga wada faa’iidaysto khayraadkeena ay u soo saarto Somaliland oo nabadi ku jirto. ujeedada labaad ee kulankan waa in la wada hadlo oo kulankan wax laga soo saaro haddii aanu nahay bulshada rayidka ahna waxaanu diyaar u nahay in la taageero xeerarka in la taageero taabogalinta nidaamka maalgashiga dalka.”
 
Xukuumadana waxaa looga baahan yahay in ay soo bandhigto wax kasta oo khuseeya ka faa’iideysiga khayraadka, sidaa ay maanta u soo bandhigtay oo kale, ururada aan dawliga ahayn oo ay hogaaminayso dalada SONSAF, waxaanu soo jeedinaynaa in mar kasta la wada hadlo oo  la cadeeyo wax kasta oo  jira, dalad ahaan diyaar baanu u nahay in la cadeeyo.”
 
Wasiirada Wasaarada Arrimaah Gudaha, Macdanta iyo Tamarta, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland oo iyana kulankaa ay soo qabanqaabisay Dalada Ururada Aan Dawliga  Ahayn ee SONSAF ayaa dhamaantood bulshada Somaliland ku dardaarmay in la taageero sidii Somaliland looga soo saari lahaa khayraadka dabiiciga ah ee ku duugan.
 
Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Xuseen Axmed Ducaale waxaa hadaladiisi ka mid ahaa “Wasaarad ahana waxaanu soo dhawaynaynaa kulankan ay nagu casuuntay Dalada SONSAF, waxaananu wasaarad ahaan diyaar u nahay in aanu bulshada reer Somaliland oo been badan loo sheegay u cadeyno wax kast a oo ku saabsan ka faa’iidaysiga khayraadka dalka iyo sidii ay umaddu  si siman uga wada faa’iidaysan lahayd, waxaanu halkan ku cadeynaynaa in xeerarka dalka u yaala lagu dhaqmo.”
 
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in wasaaradiisu ay masuul ka tahay samaynta ciidanka ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, ciidankaasi oo  aan wali la ururin lagana xuli doono ciidamada qaranka ee jira, waxaanu wasiirka arrimaha gudaha   Cali Maxamed Warancade  balanqaaday in isagu wasiir ahaan uu masuul ka yahay.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply