Baarlamanka dalka Tunisiya ayaa sheegay in muwaadin dhalinyaro ahi soo galay guriga barlamanka isagoo iska dhigay wasiiradii la dhaarinayay mid ka mid ah, halkaasina uu ku galay dhaartii dastuuriga ahayd. Booliiska ayaa arinkan ku baraarugay mar danbe iyagoo xidhay wiilkii dhalinyarada ahaa. Ninkan ayaa Ciidamada amaanka u sheegtay magaca Mabruk Al-Xariisi oo ah ku xigeenka cusub ee gobolka galbeed ee dalka. , waxaana uu sitay aqoonsigii lagu geli lahaa fadhigan dhaarta ah ee baarlamanka. Iasgoo u dhaartay dalkiisa iyo dadkiisa inuu daacad ugu shaqayn doono.