Waran-cadde Oo Ka Hadlay Sababta Loo Aasaasay Ciidanka Ilaalinta Shidaal Baadhista

0
372

Hargeysa (Dawan):  Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay in aanay jirin xasilooni-darro ay Manddaqada Geeska Afrika ku keenayaan Ciiddanka ilaalinta  Shiidaalka baadhista ee OPU (Oil Protection Unit).
Wasiirka Arrimaha gudduhu waxa uu sidaasi ku sheegay Khudbad uu Shalay ka jeediyay Kulan lagaga hadlayay sidii loo soo-saari lahaa Khayraadka Dalka oo ay soo qaban-qaabisay Dalladda ay ku midoobeen Jileyaasha aan Dawliga ahayn ee SONSAF.
Cali Waran Cade,  oo ka hadlayay  sababaha loo aasaasay Ciiddanka OPU, waxa uu yidhi “Ciidanka OPU (Oil Protection Unit) waxay hoos-yimaddaan Wasaaradda Arrimaha guddaha, waxaany ka tirsan-yihiin Ciidanka Booliska, Ciidammadda hoos-yimadda Wasaaradda aan Madaxda ka ahay waxa ka mid ah Ciidankan OPU oo aan hadda ka hadlayo, STU, SPU, CID, RRU, Laanta Socdaalka iyo Ciiddanka Ilaalada Xeebaha. Waxa Ciiddamaddan ka baxsan Ciiddanka Qaranka ee balaadhan.”
Wasiirka Arrimaha guddahuhu waxa uu intaas ku daray “Haddii aynu doonayno in aynu Somaliya wax-yeelno waxaynu awoodd u leenahay in si degan aynu Xamar ku qabsan-karno, laakiin ma yeelno taakana kama gudbno xuduudii ay Super Powrku dhigeen 1884 ee Somaliland iyo Somaliya u dhaxaysay weynu Ixtiraamnaa, ta inaga iyo Itoobiya inoo dhaxaysa weynu Ixtiraamnaa, ta inaga iyo Jabuuti inoo dhaxaysa-na weynu Ixtiraamnaa ta Caalamka kalena weynu Ixtiraamnaa. Ciiddanka Awooddaasi leh baynu ka hor-geyn lahayn Macdalaa 300 oo Askari oo Qori AK sita oo Awooddaa leh oo laga soo xulay Booliska Somaliland iyo Ciiddanka Qaranka, loona tababaray si Carsi ah oo ah Qofkii Ajnabiga ah ee inoo yimaada ama Dadka ka socda Shirkaddaha Shidaalka qodaya Naftooadda inuu bad-baadin karo haddii meelaha qaarkood la isku taago.”
 
Wasiirku  waxa kale oo uu sheegay in Ciiddankan OPU sugayaan Amaanka Shirkaddaha Shidaalka ka baadhaya Dalka..  “Waynu ognahay waxa inagu xeeran ee dhib ah, waxaan leeyahay weyn og-yihiin Beesha Caalamku, Golaha Amaanku-na wuu og-yahay in aanu Ciiddankaasi (OPU) ahayn mid Mandaqada dhib ka wada, laakiin ta keliya ee aynu uga baahanahay waa Dadkaas ku mashquulsan in Khayraadka Dalkeena ay soo saaraan inay helan jawi degan oo Amani ah oo ay isku lahayn karaan. Naftaadu inay Amaan tahay oo keliya, hadday taasi diidan-yihiin oo ay leeyihiin Dayacnayn Dadka Shidaalka soo-saaraya oo ay leeyihiin u dayaca Cadowga ama iyaguba aanay raali ahayn si wanaagsan ha u sheegaan oo ah yidhaahdaan waar waxba qodi-maynee  naga daaya.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply