Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Ka Qayb-galay Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Naafada

0
403

Hargeysa, (Dawan)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb galay xuska maalinta caalamiga ah ee naafada adduunka oo ku beegan bisha December saddexdeeda.
Munaasibadda lagu xusayay maalinta loo asteeyay naafada caalamka oo shalay lagu qabtay hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxa madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.
Guddoomiye ku-xigeenka ururka naafada Somaliland Marwo Nuura Maxamed Magan oo furitaankii xuskaas ka hadashay ayaa ugu bushaaraysay, kuna dhiirisay naafada caalamka, gaar ahaan naafada Somaliland in xuska maalintoodan ay kusoo dhaweeyaan farxad, waxaanay sheegtay in naafo ahaan aanay ka hoosayn bulshada inteeda kale, balse ay la awood yihiin, “Naafada bulshada inteedii badnayd ayaa waxay ka aaminsan tahay in xaqa ay leeyihiin aanu qofka naafada ahi lahayn oo uu ka hooseeyo qofka naafada ahi, laakiin fikirka naafadu qabtaa waxa weeye cidna in aanaan ka hoosayn inaanu ka sareyno mooyee, naafadu halkii shalay taagnayd maanta ma taagna, halka ay maanta taagan tahayna bari taagnaan mayso.” ayay tidhi guddoomiye ku-xigeenku.
Wasiir ku-xigeenku wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa ka warantay doorka ay xukuumaddu siisay hawlaha naafada qaranka iyo weliba sida ay u dhinac taagan tahay horumarintooda, waxaanay tidhi, “Waxa sharaf iyo qadarin inoo ah maanta xukuumadda inay ka go’an tahay in kor loo qaado dhamaanba xuquuqda aadamaha in la dhawro oo naafadu ugu horeyso, waxaynu ka mid nahay dadka ugu horeeya ee dhinaca xuquuqda aadamaha, iyada oo uu dalkeenu curdin yahay,”
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gabo-gabadii munaasibaddaas  hadal ka jeediyay ayaa naafada Somaliland ku bogaadiyay xuska maalintooda caalamiga ah, waxaanu sheegay in Somaliland ay beesha caalamka ay kala qayb qaadanayso ilaalinta xuquuqda naafada iyo weliba ilaalintooda, “Dawlad ahaan waxaanu ku dedaalnaa in wixii itaalkeena ah aanu idinla barbar joogno oo kor la idiin qaado oo wixii la idinla qaban karo, haddii ay agab tahay, hadday tahay tacliin iyo shaqaba.” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenku,
Waxa kale oo uu madaxweyne ku-xigeenku xuskaas ka sheegay in xukuumaddu ay u qorsheysay naafada in laga shaqaalaysiiyo xarumaha dawladda, isagoo xusay in sannadka cusub ee soo socdana naafada loo keeni doono qalab, “Waxa naafo ahaan idiin maqan oo sannadka soo socda idiin iman doona qalabkii naafada oo kii sannadkii hore ka badan oo gobollada oo dhan la gaadhsiin doono, xaga shaqaalayntana intii ugu horeysay sannadkan waxa la idiinku deeqay afartan qof oo ka mid noqon doona shaqaalaha dawladda.”
Waxa kale, oo iyaguna halkaas hadlay xubno ka mid ah naafada Somaliland iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.
By: Siciid M. Askar
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply