Tarbiyada Ubadka Iyo Guriga

0
457

Waxaynu ku soo qaadanayaa mawduuc muhiim u ah nolosheena dhamaan, kaas oo ah tarbiyada ubadka iyo Guriga, sidaa  wada ognahayba, halka u horeysa ee ubadku ka helo tarbiyada waa qoyska gudihiisa iyo aqalka, hadba sida ay tahay akhlaaqda aqalka taalaa ayuunbuu ilmuhu dibada ula soo baxaa,. Sida diinteena Islaamka ahi ee qiimaha lehi ina fareyso hor iyo horaanba waa aqalka iyo qoyska muslimka ah lagu asaasaa qiyamka Islaamka.
Waxaan tusaale u soo qaadaneynaa, in ay isdoortaan waalidyo ku haboon  iney soo saari karaan jiil wacan oo tarbiyadeesan, Taas oo macaneheedu  yahay, In uu aabuhu doorto Oori wacan oo diin leh, isaga oo tixraacaya axaadiista nebiga ee tilmaameysa arintaas oo ah in la doorto gabadh diin leh, sidoo kale waa in gabadha loo dooraa nin wacan oo diin iyo akhlaaq leh, taas waxaa dheer in qoyska lagu asaaso hab islaamiya, inkastoo sida la isku mehersado diinta islaamka hadana waxaa xigta in guriga loo asaaso sida gaalada iyadoo dadka badankoodu sameeya habeenka arooska wax aad u khilaafsan islaamnida tan oo aan kawada dheragsanahay oon inooga baahneyn.
Hadaba hadaan dib ugu soo laabto Tarbiyada Ilmaha waxaa la inooga baahan yahay arimahan soo socda:-
1-In la baro ilmaha wax kastoo faa’iido u soo hoynaya ifka iyo aakhiraba sida in la baro shahaadateynka
2-In lagu talaalo qalbiga ilmaha Jacaylka Alle iyo Rasuulkiisa Muxammed (SCW) iyo aasxaabtii.
3-In la xifadsiiyo suuradaha quraanka iyo aayado hadba intii uu kari karo.
4-In Salaada la faro marka uu gaadho 7 sano jir.
5-In lagu rabeeyo dahaarada sida waysada, laguna ababiyo runta, amaanada iyo xidhiidhinta qaraabada.
6-In laga dheereeyo wax kastoo wasakheyn kara qalbigiisa wanaagsan sida TV-yada faafiya akhlaaq xumada sida musalsalada, Filamada iyo Heesaha oo waliba  ku soo biireen qaar afkooda ku hadlaya.
TVGA  waxaan odhan karnaa waa barbaariyaha iyo macalinka aqalo badan iyo ubad badan oo Muslimiin ah.
7- Ka fogeynta balwadaha sida sigaarka, qaadka iyo wixii la mida se ka waran waalid hadii aad adigu ku imtixaanan tahay balwad waxuun baad u gudbineysaa ilmahaaga waxaas aad ku imtixaanan tahay.
8- Ku ababinta ilmaha geesinimada, iyo daacadnimda.
9- Uga sheekayta Saalixiinta iyo culimada iyo dadka Taariikhda wacan ku leh dunida, se maxaad uga sheekeyn hadii aad adiguba waxba dhaamin.
Gafafka laga galo Ubadka:-
Faham la’aanta niyada ilmaha, iyo moogaanta dareenkiisa in badan oo waalidiinta ka midi waxay ula dhaqmaan si adag iyagoo dagaalaya kuna ciqaabaya garaacid iyo yasid, inkastoo ilmaha laga horjoogsanayo hadii uu khalad galo laguna ganaaxi dagaal iyo hanjanaadba, hadana waxaa waalidiinta badankoodu ilmaha u arkaan waxaan dareen badan lahayn.
Ilmaha waa inuu waalidku u noqdaa tusaale wacan, waa in waalidiintu ku murmin ilmaha hortiisa iskana jiraan wax kastoo ilamaha dareenkiisa dhibi kara, waayo ilmuhu waa jiil wacan oo si dhib yar u qaadan kara wax kastoo uu ka arko waalidkiisa, taasna waa mid aan ka aragno nolol maalmeedka, waa inaan tusaale waca ugu noqonaa akhlaaqda wacan iyo samaha, oo aynaan maqashiin ereyo dhagihiisa wiskheeyn kara.
Waa naxariis badan loo mujiyaa ilmaha sida uu rasuulku ku yidhi ninkii yidhi welegay ma dhunkan ilmo aan dhaley, oo Rasuulku ugu jawaabey qofkaan naxariisan looma naxariisto.
Waa ilmaha laga simaa cadaalada oo aan lookala eexan.
waa in ilmaha wax la baraa taas oo loo aayayo ifka iyo aakhiraba.
Arimo loo baahanyahay in daneeyo:-
Ilmaha in labaro edaabta wacan sida midigta wax loogu cuno, sida uu u galayo suuliga iyo uga soo baxida.
Ku barbaarinta ilmaha Nadaafada
Hablaha oo lagu tarbiyadeeyo xijaabka iyo dhowrsanaanta.
 

Leave a Reply