ICC oo Laashay Dacwadii ka Dhanka ahayd Uhuru Kenyatta

0
403

Dacwad ooggayaasha maxkamada dembiyada caalamiga ah ayaa la laashay eedeymihii ka dhanka ahaa madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.
Mr Kenyata ayaa sheegay inuu la dhacsan yahay laalista kiiskaasi oo uu ka nafisay.
Waxa kale oo uu xusay inuu haatan ka hawgalayo sidii isna loo barrixi lahaa kuxigeenkiisa William Ruto oo isna dacwad taas la mid ahi ku socotay.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa loo haystay in uu galay dembiyo ka dhan ah bani’aadanka xilligii ay socotay rabshadii dhiiga badan uu ku daatay ee Kenya  ka dhacay sanadkii 2008-dii.
Xafiiska dacwad oogga ayaa sheegay in aanu haynin caddeyn ku filan oo muujineysa in Mr Kenyatta uu dembi galay.
Dacwad ooggaha  ayaa loo diiday waqti dheeraad ah oo uu kiiska isugu diyaariyo.

Leave a Reply