Laheystayaal la dilay

0
431

Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa BBC u sheegay dadkii iskudeyay inay soo badbaadiyaan nin British-American ah oo lagu haystay dalka Yemen aanay ogeyn dhalashada ninka kale ee lala haystay.
Ninka American-ka ah, Luke Somers, oo ahaa sawirqaade iyo Pierre Korkie, oo ahaa macallin u dhashay south Africa, waxay labaduba ku dhinteen intii uu socday hawl galkii la iskudeyay in looga soo furto mintidiinta al Qa-cida habeennimadii Jimcaha.
Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkaasi ka dhacay koonfurta dalka Yemen, ee lagu soo badbaadinayay laheystayaasha in si dhaqsa ah loo abaabulay, kaddib markii ay heleen macluumaad sheegaya in nolosha Luke Somers ay ku jirtay halis.
Howlgalkaas ayaa waxaa fuliyay ilaa iyo afartan ciidammada kumaandooska ah.
Markii ay gaareen halka lagu heystay dadkaasi ayaa waxa ay ciidammada gaarka ah rasaas is weydaarsadeen maleeshiyadii afduubka u heysatay dadkaasi.
Balse saraakiisha ayaa sheegaya in laheystayaasha xilligaasiba ay toogteen maleeshiyadii heysatay.
Luke Somers iyo Pierre Korkie, oo labaduba laheystayaal ahaa ayaa waxa ay u dhinteen dhaawac soo gaaray, kaddib markii lagu qaaday Markab ay leeyihiin ciidamada badda ee Mareykanka.
Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Mareykanka ayaa u sheegay BBC-da in maamulkiisa aysan aqoonsanin cida uu ahaa Mr Korkie xilligii ay qaadayeen weerarkaasi oo ay ku soo furan rabeen dadkaasi la afduubtay.
Hay’ad samafal ah oo uu la shaqeeynayay macalinka Koonfur Afrikaanka ah, ayaa waxa ay sheegtay in ay socdeen wadahadal lagu soo furanayay ninkaasi oo ay ku bixin rabeen lacag madax furasha ah oo aan la shaacin inta ay la egtahay, waxa ayna filayeen in maanta la soo daayo.
 

Leave a Reply