Hargeysa (DAWAN)- Qunsuliyadda guud ee Itoobiya ee Hargeysa iyo jaaliyadda Itoobiyaanka ee ku dhaqan Somaliland, ayaa u dabbaal-degay Axaddii 7 December, maalinta qowmiyadaha, shucuubta iyo dadka Itoobiya.
Xafladda arrintaasi ku saabsan oo lagu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxa si wada jir ah u soo abaabulay xafiiska Qunsuliyadda guud ee Itoobiya iyo ururada bulshada Itoobiyaanka ah ee ku nool magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.
Saraakiisha Somaliland ee lagu martiqaaday munaasibadda waxa ka mid ahaa wasiir ku xigeenka arimaha dibada Somaliland.
Qunsulka guud ee Safaaradda Itoobiya ee Somaliland Brigadier Berhe Testafy oo ka hadlay furitaankii xafladda ayaa tilmaamay in arrimaha muhiimka ah uu dhigayo dastuurka Federaalka Itoobiya uu ka caawiyay Itoobiya iyo dadkeedu inay gacmaha is qabsadaan oo ay u jeestaan horumarkooda isaga oo xusay in meelaha ugu muhiimsan ee dastuurka culayska saaray ay ka mid yihiin sinaanshaha qowmiyadaha, shucuubta iyo dadka Itoobiya oo dhan iyo luqadaha, diinaha, dhaqanka iyo taariikhdaba.
Waxa kale oo uu xoojiyay dastuurku in diiradda la saaro oo si buuxda loo ixtiraamo xuquuqaha insaanka iyo dimuqraadiyadda ee gobolada oo dhan.
Janaral Berhe, waxa uu sheegay inay mabaadiida sinnaanshaha, aadanaha, ixtiraamka xuquuqda dimuqraadiyadeed iyo dadka iyo sida oo kale khayraadka oo si siman loo wadaagaa ay noqdeen bayaanada mucjisada ah ee dastuurka Fadaraalka Itoobiya jideeyay.
Arrimahanina ay yimaadeen markii xukunka ay qabatay EPRDF, taasina ay keentay inay quruumaha Itoobiya oo dhammi doortaan inay dhistaan waxa ay wadaagaa ee nabada iyo degganaanshaha dalka iyaga oo ugu horeeysiinaya saboolnimada oo ay ku sunteen in ay tahay cadawga keliya ee qaran ee ka dhexeeya, ayna u wada istaagaan inay u midoobaan sidii ay uga takhalusi lahaayeen.
Waxa kale oo uu xusay in ay dawladda Itoobiya go’aansatay inay Itoobiya kaga dhigto dalalka dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay muddo ka yar tobanka sano ee soo socda,waxaanu carrabka ku adkeeyay in tani lagu gaadhi karo dadka Itoobiya oo gacmaha isqabsada, kuna sii socda joogtaynta kobaca dhaqaale ee degdegga ah, isla markaana ka dhiga habkooda dimuqraadiyeed mid ku salaysan sinnaansho, istixgelin iyo Isfahan.
Waxa uu ku soo gabagabeeyay oo uu soo qaatay socdaalkii dhawaan wefdiga heerka sare ee wasiirrada ahi ku yimaadeen Somaliland iyo bayaankii is faham ee ay saxeexeen dhinacyada Somaliland ganacsiga, kaabayaasha iyo iskaashiga alaabaha soo degaya oo uu tilmaamay inay caddayn u yihiin in raabitaanka dowladda iyo dadka Itoobiya ku xaqiijinayaan koritaan la wadaago oo aan keli ku ahayn gudaha, balse sida oo kale gaadha jaararka.
Qunsulka guud, waxa uu sharaxaad ka bixiyay koboca dhaqaale ee degdega ah ee la diiwaangeliyay tobankii sano ee u danbeeyay sida mashaariicaha kala duwan ee koronto dhalinta, horumarka kaabayaasha dhaqaale ee dalka oo dhan, jidadka tareenada iyo kuwa kale, waxbarashada asaasiga ah iyo dhaqaalaha koraya ee loo qoondeeyay gobolada oo dhan iyo sida oo kala inay dadku doortaan hoggaamiyeyaashooda shan doorasho oo is xigxigay oo dimuqraadiyadeed, kuwaasi oo uu sheegay in dhamaantood suurtogal laga dhigay iyada oo sabab u tahay xaqiiqada ah inuu dastuurku si ku haboon u jideeyay rabitaanka qowmiyadaha shucuubta iyo dadka Itoobiya.
Janaraal Berha Tesfay, waxa uu tusaale kooban ka bixiyay horumarka laga sameeyay dhanka waxbarashada oo uu sheegay in dalka oo dhan laga hirgeliyay iskuulada hoose ilaa heerka dugsiyada sare oo gaadhay in ay u dareeraan arday gaadhay 25 milyan iyada oo ardayda tacliinta sare la gaadhsiiyay nus malyuun arday.
Boqolaal Itoobiyaan ah oo ka qaybqaatay hadalka oo la wadaagayay ayaa iyana muujiyay aragtidooda horumarka Itoobiya ee siyaasadda, dhaqaale, nabadgelyada iyo xaaladda bulsho oo ay ku qeexeen inay yihiin midhihii dadka Itoobiya ku doorteen inay wada jiraan.