Baariis oo la Tacaalaysa Wasakhawga Hawada

0
370

Maayarada magaalada Baariis ayaa ku baaqday in laga mamnuuco caasimada baabuurta ku shaqaysa shidaalka naafatada ah  marka la gaadho sannadka 2020 taasina ay qayb ka tahay qorshaha lagu yaraynayo dikhawga hawada.
Maayor Anne Hidalgo waxa ay sidaasi u sheegtay  jariirada Journal du Dimanche, waxaanay doonaysaa in ay jidadka muhiimka ah ka shaqeeyaan gaadiidka khatartooda hawadu hoosayso.
Waxa kale oo ay soo jeedisay in la badiyo meelaha ay lugtu marto ama ay maraan dadka lugaynayaa.
Waxa hore loogu soo rogay qayb ahaan gaadiidka mamnuucis kadib markii ay la ogaaday ay aad u liidato hawada Baariis ayna ku dhacday rikoodhkii ugu xumaa.
“Waxaan doonayaa in Baariis laga waayo  gaadiidka dhiisalka ah sannadka 2020,” ayay tidhi, Ms Hidalgo oo waraysi ay bixisay oo Faransiis ahaa la daabacay Axadii.
Waxa ay intaasi ku dartay “Maanta 60% dadka Baariis joogaa ma laha gaadiid, marka la barbar dhigo 40% ay ahaayeen snnadkii  2001. Arrimuhu si dhaqso ah ayay isku beddelayaan.”

Leave a Reply