Khudaarta Oo La Ogaadey Inay U Fiican Tahay dumarka uurka leh

0
589

Khubaro cilmibaadheyaal ah ayaa sheegay inay khudaarta laga helo dhulka u dhow badweynta Mediterranean ee Yurub ku u fiican tahay dumarka uurka leh,kuwaas oo ay ku jiraan macdano u fiican ilmaha yar ee caloosha hooyadii ku jira,sida ay sheegeen dadkasi cilmibaadheyaasha ahi.
“aas aaska caafimaad laga helo cuntada oo u fiican dumarka uurka ,gaar ahaana dhinaca culayska ayaa noqday cuntada ugu horeysa ee la helo ,kuwaas oo laga helay goobo ku dhow dhow badweynta Mediterranean-ka,waana cunto dumarka aad ugu fiican ,gaar ahaana marka ay uurka lee yihiin ee ay galaan bilaha dhexe iyo kuwa dambe.sidaa waxa yidhi Brooke Schantzat oo kamid ah jaamacadda lagu magcaabo Loyola University Health System (LUHS).
“Maaha oo keliyaata waxyaalaha ay faa’idada u lee dahay dhinaca uurka iyo ilmaha ,waxa kale oo ay faa’ido u lee dahay,dhinaca caafimaadka guud,iyada oo aan lahayn wax dhibaato ah oo ka iman kara waqtiga ay gabadhu umulayso,waxaana khudaartaasi ku jira waxyaalo ka hortegaaya inay aad u cuslaato gabadha uurka lihi waqtiga ay uurka lee dahay,gaar ahaan bilaha ugu dambeeya oo ah kuwa ay ugu dhibaatada badan tahay”.sidaasna waxa yidhi Schantz.
Marka la eegaayo warbixin ay soo saareen ururka caalamiga ah ee dhalmadu waxay sheegeen in ilmaha  hooyada dhibaato kasoo gaadhaa ay keento laba mid uun taas oo ah ,in culays badani hooyada fuulo iyo in culaysku hoos u dhaco oo ay awood darayso.
Sidoo kale culimada khudaarta wax ka qorta ayaa sheegtay inay ilmaha oo noqda mid aan caadi ahayn ee aynu u naqaano special needs inay keento Hormoneska jidhka oo qaarkood yaraadaan,taasina ay sababto in qofku sidaasi noqdo .
Deraasad hore oo ay si wada jira u sameeyeen jaamacaddaha Harvard University ee dalkaasi Maraykanka iyo Jaamacadda kale ee lagu magcaabo Murciain oo ku taal dalkaasi Spain ayaa lagu sheegay in ninka ay u wanaagsan tahay inuu isticmaalo khudrada Mediterranean-ka waxyaalaha laga sameeyo,taas oo dhanka dhalmada u wanaagsan,waxaanay aad ugu wanaagsan tahay ayay sheegeen Sperms-ka uu ninku soo daynaayo.
Waxaanay tani noqonaysaa daraasadii ugu dambeysay ee lagu sheego inay jirto faa’iidooyin kale ooay lee dahay khudrada ka baxda Mediterean-ka wadamada u dhow dhow qaar kamid ah ,gaar ahaana ay u lee dahay dumarka uurka leh.
Waxaanay sheegeen inay sii wadayaan cilmibaadhistaasi khubaradaasi si ay u helaan xogo kale oo dheeraada.
 

Leave a Reply