Jaaliyadda Somaliland Ee Jabuuti Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Wasiirro Iyo Shakhsiyaad kale

0
402

Hargeysa(Dawan):  Ururka Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Jabuuti (Somaliland Community In Djibouti)  ayaa abaal-marin sanadeed gudoonsiiyay shakhsiyaad isugu jira Wasiirro, Ganacsato iyo Ururadda Arrimaha bulshada, kuwaasi  oo ay u soo xusheen inay sanadkii aynu soo dhaafnay wax-qabad balaadhan ku talaabsadeen.
Munaasibad  loo sameeyey gudoonsiinta Abaal-marinta sanadkii  hore ee  20013 ilaa 20014-ka oo shalay lagu qabtay Huteelka  Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, isla markaana uu soo qaban qaabiyay Ururka Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Jabuuti (Somaliland Community In Djibouti), ayaa waxa ka soo qeybgalay hoggaanka Ururkaasi, Wasiiro, Ganacsato, Aqoonyahan iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Ururka Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Jabuuti Cabdinaasir Axmed Ibraahim, oo hadal ka jeediyay xafladaasi  ayaa ka waramay sababta ay Ururkoodu shakhsiyaadkan ugu soo xusheen  inay shahaadooyin gudoonsiiyaan ay tahay waxqabad muuqda oo ay shaqsiyaadkaasi ku talaabsadeen.
waxaanu yidhi “Waa sanadkii labaad ee Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Jabuuti abaal-marin sanadeed ay gudoonsiiso shakhsiyaad ay u aragtay jaaliyadu inay dalka wax-u-qabteen, oo isugu jira Wasiiro,Ganacsato iyo ururada Arrimaha bulshada. U-jeedada ugu weyn ee ay jaaliyadu ka leeyihiin abaal-marintani waxa weeyaan in masuuliyiinta horumarka ka sameeyey shaqada ay bulshada u hayaan lagu dhiiri-geliyo inay halkaasi meel ka sii sareysa gaadhsiiyaan.”
Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiyaha Ururka Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Jabuuti, waxa kale oo uu ka waramay waxyaabaha uu qabtay ururkoodu mudooyinkan danbe.
“Jaaliyadu sidoo kale, waxa hawlaha ay qabatay ka mid ah qaban-qaabinta munaasibadaha Xusaska qaranka Somaliland ee 18 May, iyo 26 June,iyo Soo dhaweynta masuuliyiinta Somaliland markay socdaalka ku yimaadaan dalka Jabuuti, isku xidhka labada bulsho ee Somaliland iyo Jabuuti ee walaalaha ah iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin doorashooyinka ka dhaca Somaliland, iyo arrimo kale oo fara baddan”.Ayuu yidhi Cabdinaasir
Xubnihii ay Ururka Jaaliyada reer Somaliland ee  Jabuuti  abaal-marin sanadeedka gudoonsiiyeen waxaa ka mid ahaa Wasiirada Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Baddaha Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed),Guddoomiyaha Jaamacada GOLIS ee Magaalada Hargeysa Prof Siciid iyo  Marwo Luul Xasan Mataan oo ka shaqaysa dhinaca arrimaha daryeelka caruurta darbi-jiifka ah.
Waxa kale oo ka mid ahaa dadkii ay abaal-marinaha gudoonsiiyeen  Maamulaha Dugsiyada Nuura-Diin Mahad Ibraahim Maxamed, Shirkadda  Zamzam Food Industry, Shirkadda Digaaga ee Maandeeq,Weriye Maxamed Xasan Cali (Weji), iyo Ururka Somaliland youth Group.
 
 
 
 
 Shirkadda Fly Dubai oo Duulimaadyo Ka bilaabaysa Somaliland
 
Hargeysa (APO/Dawan) Shirkadda duulimaadyada fadhigeedu yahay Dubai ee Fly  Dubai, ayaa ku dhawaaqday in ay saddex khad oo cusub ay ka bilaabayso saddex dal oo ay  ku jirto Somaliland, horaanta  sannadka cusub.
Saddexdan duulimaad ee cusub ayaa kala noqon doona Hargeysa (Somaliland), Chenna (India) iyo Nejran (Sacuudi Carabiya), waxaanay ku biiri doonaan duulimaadyada goobaha  shirkaddu  caga dhigto oo gaadhaya 89 madaar oo ku baahsan 46 dal.
Fly  Dubai waxa ay laga bilaabo 5 ta maaris keeni  doonta  xamaaladdii ugu horaysay ee ka howlgasha Hargeysa, waxaanay samaynaysaa duulimaadyo afar ah oo toddobaadle ah.
Fly Dubai  ayaa  ku baahisay  duulimaadyadeeda  Afrika 13 goobood sannadka 2014 oo ay u kala gooshayaan 60 duulimaad oo toddobaadle ah.
Xamad ObIaIdalla  oo ah jiif saraalka ganacsiga u qaabilsan oo ka faaloonaya  hormada  cusub ee duulimaadyada ayaa  yidhi “sannadka 2014 waxa uu  ahaa sannad ay mashquul ahayd  Fly Dubai oo ay ku dhawaaqday 26 khad oo cusub tan iyo January, isla markaana  waxa ay keensanaysaa   siddeed dayuuradood oo hor leh si ay u taageeraan qorsheyaasha koritaan.
Waxa aanu aad ula dhacsan nahay fursadaha  dihin ee ka soo baxaya suuqyada Afrika”.
Fly Dubai waxay leedahay dayaarado cusub oo dhan 43 ah new generation  Boeing 737 – 800, waxaanay sameeyaan duulimaadyo ka badan 1,200 oo duulimaad wiigii oo ay ugu kala gooshaan Middle East, GCC, Afrika, Caucasus, Central Asia, Yurub iyo Indian Subcontinent.
flydubai waxay ku hawl-gali doontaa afar duulimaad toddobaadkiiba oo  u dhexeeya Hargeysa illaa Dubai laga bilaabo 05 March  2015.
Qiimaha tigidhka heerka duulimaadka loo yaqaan Economy Class ka baxaysa Hargeysa waxaa lagu bilaabayaa USD575 oo lagu ogol yahay 20 kiilo alaab la hubiyay ah, meeshi ay qiimaha tigidhka heerka duulimaadka loo yaqaan Business Class waxaa lagu bilaabaya USD1,900 taas oo ku jirta dhammaan cashuuraha iyo alaab 40 kiilo ah oo lagu ogol yahay.
flydubai waxay bixinaysaa tigidhada ugu horreysa ee heerka duulimaadka loo yaqaan Economy Class oo ah USD549 taasi oo dhaqan galaysa intii u dhexeeysa 10 December 2014 ilaa 10-ka January 2015.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply