Vitamin D-du uma wanaagsan dadka waaweyn isticmaal ahaan

0
439

Daraasad cusub oo ay samaysay jaamacada lagu magcaabo Auckland ayaa lagu sheegay in aanay vitamin D-du u fiicnayn dadka waaweyn caafimaadkooda, taas oo wax yeelayn karta macdanta lafaha iyo cufka lafahaasi jidhka ku jira intaba.
Waxaanay cilmibaadheyaashani sheegeen in qaadashada vitamin D-da ay tahay mid aan gebi ahaanba u fiicnayn dadka waaweyn ,madaama oo lafahoodu sii jilcayaan marba marka ka dambaysa,taasina ay waxyeelo weyn u geysan karto caafimaadka jidhka kale ee qofkaasi isticmaalaaya Vitamin D-daasi.
Waxaanay sheegeen in macdanta lafta ku jirta xadigeeda laga qiyaasi karo ama laga cabiri karo dherer ahaan iyo balaadh ahaan intaba,taas oo sidoo kalena la qiyaasi karo inta xadi ahaan ku jirta laftaasi macdan, iyada oo laga eegaayo meelo kala duwan .
Waxaanay sidaasi sheegeen kooxdaasi cilmibaadhista wadey markii ay eegeen xogo ku jiray cilmibaadhiso kale oo gaadhaaya ilaa 23 cilmibaadhisood oo kala duwan ,kuwaas oo ahaa kuwo laga sameeyey dadka waaweyn,waxaanay sheegeen in marka laga yimaado 23 kan ay jiraan ilaa 4000 oo cilmibaadhis dhanka caafimaadka ah oo aga sameeyey dadkaasi waaweyn ee da’aah ah 59 jirada,sida lagu sheegay warbixin ay qortay jariirada lagu magcaabo The Lancet.
“ujedada aanu u soconay markii aanu samaynaynay daraasadani waxay ahayd in aanu ogaano dadka sida ay waxyeelo ugu geysato Vitamin D-du ,taasna waxa nooga soo baxay in aanay dhalin yarada wax dhibaato ah u geysan ee ay dadka waaweyn u daran tahay ,anaga oo awooda saarnay markii dambe dadka waaweyn oo aanu ku fadhiisinay daraasadan kooxdu waday”. waxa sidaasi yidhi madaxa kooxdan daraasada samaysay oo lagu magcaabo Professor Ian Reid, kana mida hormuudada jaamacadda Auckland oo ku taal dalkaasi New Zealand.
Waxaanu raaciyey in aanay daruuri ahayn inay dadka waaweyni helaan Vitamin D-da ,iyada oo vitamintaasi laga helo cadceeda falaadheheeda ayaa waxa haddana jira cuntooyin laga helo ,sida Beedka,Saliida Kaluunka,iyo waxyaalo kale oo badan.
Waxa kale oo dadka khubarada ahi ka digeen in la qaato Vitamin D badan ,waxaanay sheegeen in Vitamin D-du waxyeelo u geysato markay badato kelyaha, madaama oo ay ku badan tahay macdanta loo yaqaano Calcium-tu,taasina ay tahay sababta ay uga digayaan, iyaga oo digniintaasi gebo gebo uga dhigay cilmibaadhista ay sameeyeen kooxdaasi.
 

Leave a Reply