Somaliland Oo Si Weyn Looga Xusay Maalinta Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha

0
380

Hargaysa (Dawan): Xaflad  balaadhan oo lagu xusayay  maalinta Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha  ayaa shalay lagu qabtay   Huteelka  Maansoor  ee magaaladda Hargaysa.
Waxaana munaasibadaasi  ka soo qaybgalay Wasiirradda Wasaradaha Cadaaladda, Waxbarashada, Wasiirka xigeenka Caafimaadka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xildhibaano ka kala  tirsan Goleyaasha  Guurtidda  iyo Wakiiladda iyo marti sharaf kale oo aad u badan.
 
Guddoomiyaha Gudida Ilaalinta  Xuquuqda Aadamaha  Qaranka Somaliland Marwo Fadxiya Xuseen Jaahuur,  oo  hadal ka jeedisay xafladaasi ayaa ka warantay u jeedadda laga leeyahay xuska maalintani iyo sidoo kale bilawgii ama aasaaskii arrintaasi.
Waxaanay  tidhi “Maanta  (shalay) xuska  Xuquuqda Aadamaha  Caalamka ee aynu Somaliland ka  xusayno waxa la sameeyay 1948.  markii ay dhamaadeen  dagaaladii waaweynaa ee caalamka ka dhacay 1939 – 1945-kii,  taasi oo lagu joojinayay tacadiyadii ka dhacay dunida xilligaa.  maalintani waxa ay ka turjumaysaa sharafta iyo karaamadda uu bani’aadamku leeyahay in la dhawro dhamaan waxaa ku waajib ah bulshooyinka caalamka inay dhawraan xuquuqda dadka oo dhan iyadoon  loo eegayn midab, dhaqan iyo diin toona. Hal ku dhiga sanadkan  ee caalamku isla qaatayna, waxaa weeyi  maalin kasta oo ka mid ah maalmaha sanadka ee 365 maalmood  ahi waa maalin la rabo in la ilaaliyo xuquuqda dadka  guud ahaan”.
Marwo Fadxiya Xuseen Jaahuur, guddoomiyaha  gudidda ilaalinta xuquuqda aadamaha qaranka Waxa kale oo ay sharaxaad ka bixisay sida ay u shaqayso gudidda ama Komishanka ilaalinta xuquuqda aadamaha ee Somaliland.
“Sida uu dhigayo xeerka Komishanka hay’ada u madaxbanaan shaqadeeda si waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha dunida. Komishanka  xuquuqda aadamaha  Somaliland waxa uu shaqooyinkiisa u gutaa si madaxbanaan shaqooyinka uu Komishanku qabto waxa ka mid ah dhamaan  gefafka laga galo xuquuqda aadamaha iyo xoriyada aasaasiga ah ee muwaadiniinta iyo dadka kale ee sharciga  ku jooga. Somaliland iyada oo la ilaalinaayo dhamaan xeerarka dalka u yaala Komishanka Xuquuqda Aadamaha Somaliland isaga oo dhawraya dhamaan baaqyada iyo xeerarka caalamiga ah, waxaa uu shaqooyinkiisa u gutaa  si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka u yaal Somaliland sida uu qabo xeerka u yaala Komishanka, waxaa aanu soo bandhignaa  warbixintayada 31/12/2014 sanad walba waxaanu warbixinta u horeysa u gudbin doona goleyaasha qaranka ee ay khuseyso. Waxa kale oo aanu warbixinta siinaa madaxweynaha Somaliland  intaa ka dib waxaanu warbixintayada u soo bisha koowaad ee sanadka 2015” ayay tidhi Farxiya Jaahuur.
 
Iyadoo hadalkeeda sii wadatayna waxay tidhi “Warbaahinta Somaliland, Komishanka Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha Somaliland waxaa uu kormeeraa dhamaan xabsiyada Somaliland oo ka kooban 15 xabsi iyo xabsiga dhexe, goobaha barakacayaashu ku nool yihiin, dugsiyada xarumaha agoomaha dhamaan goobaha aanu kormeeray waxaanu ku soo aragnay baahiyo kale duwan oo ka jira dhamaan, waxaanu u gudbinay hay’adihii  iyo wasaaradihii ay baahidaasi khusaysay, cabashooyinka Komishanka  soo gaadhay iyadoo aanu Komishanku Maxkamad  ahayn. Waxaa sanadkan na soo gaadhay 151 cabasho oo isugu jira mudo dhaaf xadhig iyo cabashooyin kale. Muddo dhaafkaasi oo isugu jira qaar ay  haystaan  dadkii kiisaska madaniga ahi ka dhexeeyey oo wali wax ku hadhsan yihiin.
Waxa kale oo  noo suurto-gashay in aanu soo dayno 51 maxbuus oo ku jira  xabsiyada oo  maxkamada ah ku shaqaalihii  sii daayeen markii aanu u sheegnay, waxaa uu Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Somaliland uu xidhiidh dhaw la leeyahay  Golaha Wakiilada ee Somaliland oo uu kala shaqeeyo  diyaarinta  iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha inta aan la soo saarin.
 

  1. Tallo soo jeedinta Komishanka Xuquuqda Aadamaha ee Qaranka Somaliland waxa  uu u soo jeedinayaa xukuumada Somaliland in laga daayo saxaafada dalka xadhiga aan sharciga waafaqsanayn.
  2. Saxaafada Somaliland waxa uu u soo jeedinayaa inay ilaaliyaan hab dhaqanka suxufinimo iyo wada jirka umada Reer Somaliland.

Guddoomiyaha Komshanka Qaranka Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha Marwo Fadxiya Xuseen Jaahuur, waxa ay dhaliil u soo jeedisay  warbixin lagu baahiyay  idaacada VOA oo ku saabsanayd war ay sii daayeen hay’adaha xuquuqal insaanka madaxbanaan ee Somaliland.
waxaanay tidhi “Ma aha in askarteena mid ka midi khaldamo in lagu tilmaamo tacadi  iyada oo aad ogtahay aqoonta ciidankeena, mushahar yaraanta iyo ictiraaf la’aanta ka jirta, annagu Komishan ahaan waxaanu diyaar u nahay  cabasho kasta oo ka timaada muwaadiniinta iyo hay’adaha xuquuqal insaanka madaxa banana  in aanu ku dhamayno si waafaqsan shuruucda dalka awood kasta oo uu  leeyahay, laakin waxaanu ka codsanaynaa in aan warbaahinta laga sii dayn.”
 
Waxa  kale oo xafladaasi hadallo ka soo jeediyay masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray Wasiiro, xildhibaano iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka,   waxaanay dhamaantoodba  balan qaadeen in xukuumada iyo goleyaasha qaranku ay diyaar u yihiin in la ilaaliyo xuquuqda muwaadinka iyo ta caalamkaba.
 
By:Idiris M.Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply