Ramla Bintu Sufyan: Gabadh Ku Guulaysatay Imtixaan Adag

0
537

Uma Xabiiba (rc) oo ka mid ahayd dumarkii Rasuulka (scw) ayaa Habeen riyootay ninkii wakhtigaasi qabay Cubeydillaahi Binu Jaxshi oo ku dhex sugan hirar waaweyn oo mugdiyo iyo gudcur aad u weyn ah, isagoo ku sugnaa xaalad aad u qadhaadh aadna u xun. Hal mar ayay hurdadii ka soo boodday iyadoo walbahaarsan aadna u cabsanaysa, mana jeclaysan inay riyadaas ay u sheegto dadka. Hase ahaatee, muddo yar ka dib ayay fasirkii riyada si waadax ah u aragtay. Markii ninkii qabay uu  diintii islaamka ka baxay kuna noqday gaalnimadii isagoo goobihii khamriga ka xaadiray. Cubeydillaahi wuxuu xaaskiisa dooransiiyay inay iyana ka laabato islaamka iyo inuu iska furo. Ramla Bintu Abuu Sufyaan waxaa durbadiiba la soo gudboonaatay mowqif aad u adag, waxayna aragtay inay doorato 3 midkood oo kala ah:

Inay ninkeeda hadalkiisa u hoggaansato, taasoo ah inay ku noqoto gaalnimadii oo markaas ay khasaarto adduun iyo aakhiro, taasina waa mid ayna marnaba samayn karin kadib markii laabteeda uu si fiican ugu sugnaaday qanaacada diinta xaqa ah ee islaamka. Tallaabada labaad waa inay ku laabato magaalada Makka, guriga aabaheed Abuu Sufyaan oo weli aan isagu islaamin, oo markaasi ay dhibaatooyin badan kala kulanto, islaamka ay qaadatay awgeed. Iyo inay isaga joogto dhulka Xabasha, iyada oo keli ku ah oo aan wehelinin wax qaraabo iyo dad kale ah. Ummu Xabiiba waxay ugu danbeyntii qaadatay go’aankeedii geesinimada badnaa, waxayna doorbidday inuu Cubeydillaahi Binu Jaxsh uu furo, maadaama uu riddoobay oo uu ka laabtay islaamka. Ummu Xabiiba Ramla Bintu Abii Sufyaan markii ay ka ciddo baxday Cubeydillaahi waxaa soo gaaray warkii nolosheedii ugu farxad badnaa ee ay maqashay intay dunida joogtay. Kaasi oo ahaa in Rasuulku (scw) soo doonay oo uu guursanyo.
 

Leave a Reply