Warbixinta xadgudubka CIA-da

0
339

Warbixin ay soo saareen senetka Mareykan ayaa si xoog leh loogu dhaleeceeyay habka khilaafka ka taagan yahay ee su’aalo weydiinta ee CIA-da, iyagoo ku tilmaamay cadawtinimo aan wax tarlaheyn.
Dianne Feinstein oo guddoomineysa guddiga sirdoonka ee Senatka ayaa sheegtay in xaaladaha qaar sida loola dhaqmay maxaabiista ay jidhdil aheyd.
Warbixinta ayaa sheegeysa in aysan sinaba ku keenin sir muhiim ah oo ku saabsan qatar dhaw oo ka timaada xagjiriinta habka su’aalo weydiinta ee la soo saaray kadib weeraradii 11kii September ee sanadkii 2001kii.
Dadka looga shakiyay argagixisanimada ayaa hurdada loo diiday ilaa 180 saacadood, iyagoo la sharaf riday oo la garaacay, laguna hayay meelo xanuun badan. Senetrada ayaa sheegay in maamulka CIA-da ee barnaamijka ay aad u qaldanaayeen iyo heyadda oo dadka siisay warbixin qaladan.
 
 
 

Leave a Reply