Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Laba Dabaq ah oo Ay Dhisatay Dallada SONYO

0
372

“Dadka umadda iska horkeenaya yaynaan dhegaysan, idinkaa dhalinyaradii ah, idinkaa Mustaqbalkii dalka ah…”
 
 
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Hargeysa (Dawan): Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay  xadhiga ka jaray  dhisme laba dabaq ah oo loo dhisay dalladda Dhalinarada Somaliland ee SONYO, Dhismahani oo   laga  dhisay xaruntii hore ee Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland ee Hargeysa oo hore Madaxweynuhu   ugu deeqay dhulkaas in loo dhiso Dallada Dhalinarada heer Qaran ee Sonyo.
 
Madaxweyne Siilaanyo oo khudbad ka jeediyay munaasibaddii  Xadhig ka jarka Xarunta dhexe ee SONYO   ayaa dhalinyarada kula dardaarmay wada jir iyo midnimo isla markaana uga digay inay dhegaystaan hadalada   bulshada lagu kala  qayb qaybiyo iyo dadka xumaanta ka shaqeeya.
isagoo geesta kale Madaxweynuhu Dhalinyarada Somaliland ku adkeeyay inay ogaadaan in ay yihiin mustaqbalkii iyo hoggaanka ee dalkan ee berri  isla markaana loo baahan yahay in ay meel uga soo wada jeedaan isna garab taagaan wax kasta oo dalka horumarkiisa ah.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa   dhalinyarada kala dar daarmay  in ay iska jiraan cid kasta oo aan horumarka dalka iyo ka dhalinyarada jeclayn  kuna hawlan kala qayb qabinta dadka reer Somaliland.
“Farxad weyn ayay ii tahay inaan ka soo qayb gallo xafladdan  furitaanka Xarunta Dhalinyarada ee Sonyo,Dhalinyaraduna waa mustaqbalkii dalka,waa mustaqbalkii ummadda. Waxaan leeyahay Illaahay garabkiina ha galo, horumar weyn aan samayno, dalka iyo dadkaba aan u dedaalno, halkaas aan hore uga talaabsano,dadka iyo ummadda aan u shaqayno, Dadka buuqa iyo qaylada wada yaynaan dhegaysan,dadka waddaninimada xun yaynaan dhegaysan, dadka umadda iska horkeenaya yaynaan dhegaysan, idinkaa dhalinyaradii ah, idinkaa Mustaqbalkii dalka ah waa inaad mar walba hor kacdaan oo hormuud ka noqotaan wixii horumarinaya mustaqbalkiina iyo aayihiina iyo ka dalka intaba” ayuu yidhi madaxweynuhu.
 
Waxa kale oo uu sheegay  sida higsiga ummadeed ee ay hayaanka ugu jirto aayaha wanaagsan in laga dhex arko hadba dhalinyaradeedu sida ay tahay. Waxaanu  yidhi. “Dhalinyaradu waa waxa ummadda horumarka higsanaysaa wax ku noqoto, ummad walibana waxay noqotaa waxa dhalinyaradoodu noqoto, sidaas daraadeed ahmiyadda dhalinyaradu waa mid aan maanta la isweydiinayn, waa mid aad iyo aad u weyn, waa mid aanu anaguna ogsoonahay oo aanu qiimaynayno,oo aanu qadarinayno oo ay tahay waxaanu uga hawl galayno inaanu mudnaanta siino iyaga iyo horumarkooda iyo hor u talaabsigoodaba”.
 
Munaasibad shalay loo sameeyay Daah furka iyo Xadhig ka jarista Xarunta Dhexe ee Dallada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo ,ayaa waxaa ka soo qayb  galay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,Wasiiradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan,Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale,Dahlinyarada iyo Ciyaarahara Cali Siciid Raygal Hoggaanka Dallada Dhalinyarada Sonyo ee heer Qaran iyo Gobol iyo  marti sharaf kale
Sidoo kale  Guddoomiyaha Dallada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo Mubaarig Ismaaciil Taani, oo isna halkaasi ka ahdlay ayaa dhankooda balan qaaday in xarunta dhexe ee Sonyo ee shalay Madaxwene Siilaanyo xadhiga ka jaray in ay noqon doonto mid ay u wada siman yihiin Dhalinyarada Somaliland isla markaana aanay Dallada Sonyo ka sheegan doonid  dhalinyarada dalka.
waxaanu  u mahad naqay cid kasta oo gacan ka geysatay dhismahan labada dabaq ah ee  dallada dhalinyarada Somaliland markii ugu horraysay dalka ku yeelato taasoo uu Guddoomiye Mubaarig ugu horraysiiyay Madaxweyne Siilaanyo oo aanay la,aantii suuragasheen.
Dhinaca kale waxaa munaaibadaa ka hadlay   Goddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ku dheeraaday ahmiyadda ay dhalinaradu dalka ugu fadhido iyo sida ay u taageerayaan wax-qadkooda iyo horumarintoodaba,
 
sonyo

Leave a Reply