Madaxweynaha Somaliland Oo Dhiirigelinta Dhalinyarada Lagu Guddoon-siiyay Koob

0
338

Hargeysa, (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la guddoonsiiyay koob loogu maamuusay kaalinta uu ka qaato dhiirigelinta dhalinyarada dalka.

Madaxweynaha oo koobkaas lagu guddoonsiiyay xafiiskiisa xarunta madaxtooyada ayaa waxa ku maamuusay muwaadin Xasan Waraabe-cadde oo ka mid dadka reer Somaliland ee u ololeeya horumarinta ciyaaraha dalka, muddo dheerna kasoo shaqaynayay arrimaha dhalinyarada.

Muwaadin Xasan Waraabe-cadde oo ahaa shaqsigii ugu horeeyay ee garoomada kubadda cagta ee Somaliland dhiga rooga casriga ah ee dooga ah oo halkaas ka hadlay ayaa sharaxay sababta uu madaxweynaha ugu maamuusay koobka, waxaanu yidhi, “Mudane Madaxweyne aad iyo aad baanu kuugu mahad-celinaynaa waqtigaaga qaaliga ah iyo fursadda aad nasiisay, muddooyinkan dambe waxaanu ka qabanaynay garoomada kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa bulshada ka dhexeeyaba in mustaqbalka dhaw dhamaan garoomadaas oo ugu horeeyo Hargeisa Stadium rooga casriga ee dooga, iyadoo la dhigay garoomo ku yaalla magaalada Berbera. Maalintaan ku fikirayay in roog dhulka la keeno, waxaad nagu dhiirigeliseen adiga iyo xukuumaddaadu in dadka looga dhigo cashuur-dhaaf, waananu kuugu mahad-naqaynaa, waxa waajib ah intaad nooshahay inaanu annaguna qirno wixii loo qabtay dhalinyarada.”

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa uga mahad-celiyay muwaadin Xasan Waraabe-cadde koobka uu ku maamuusay, waxaanu sheegay in xukuumaddiisu ay sii wadeyso dhiirigelinta da’yarta dalka. “Sharaf weyn iyo qiimo weyn ayay noo tahay runtii doorka weyn ee ka qaadato Xasanaw ciyaaraha, garoomada iyo dhiirgelinta dhalinyarada, intaas annaguna ballan baanu kaa qaadaynaa inaanu gacan weyn kugu siino, wixii waajibkayaga ahna aanu ka qabano Insha Allah.” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Gebogabadii waxa halkaas madaxweynaha lagu guddoon siiyay koobkaas uu ku maamuusay muwaadin Xasan Waraabe-cadde.

By: Siciid M. Askar

Dawannews HArgeysa office

Leave a Reply