Xisbiga WADDANI Oo Taageeray Suldaan Bararka Somaliland Diidka ah, Cambaareeyay-na Ciidammada Dalka

0
393

Hargeysa (DAWAN)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in ay taageersan yihiin Suldaan bararka Somaliland diidka ah  Abubakar Cilmi Wabar oo sheegay in ay ka noqdeen Somaliland, waxaanu xisbigaasi ku dooday in dhawaaqa Suldaankaasi yahay mid gar ah.
Afhayeenka Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Ibraahim  Mahdi Buubaa oo Sabtidii ka hadlay Suldaanka falaagoobay, ayaa waxa uu iska indho tiray qaran dumisnimada uu ku kacay Suldaankaasi iyo xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta gobolka Awdal.
Mr. Buubaa  waxa uu u qiil sameeyay dhawaaqa qaran dumisnimada ah ee ka soo yeedhay Suldaankan qurbe joog ah, waxaanu yidhi  “Waxaanu jecel-nahay in aanu  ka hadalno xisbi ahaan arrinta gobolka Awdal, madax dhaqameedka gobolka Awdal waxay u yimaadeen xukuumada iyagoo tabasho, madaxweynaha way la kulmeen, wax tixgelin ahna  xukuumadu may siin arrintaas waanu cambaaraynaynaa, waa ta keentay in Suldaankaasi cadho darteed uu maanta ugu dhawaaqo ereyadaa, waxaana aanu leenahay arrintaas masuuliyadeeda waxa sababtay dawladda.”
Mr. Buubaa waxa uu markii saddexaad  faro-geliyay  isla markaana cambaareeyay ciidammadda qalabka sida ee dalka, waxaanu tilmaamay in gobolka Awdal la geeyay Kaareyaal, waxaanu yidhi  “Awdal hore way u joogeen boolis iyo militariba oo ciidan  ku filan waa ay joogaan, maanta dubaabado iyo kaarayaal inta la kaxeeyo la geeyay galbeed waxaan u aragnaa arrin fawdo ah.”
Geesta kalena Boobe Yuusuf Ducaalle oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga WADDANI ayaa isna dhinaciisa saxaafadda u sheegay in Gobolka Awdal loo diray Wasiirro ajanabi ah, taasi oo ah mid deel qaaf ah, maadaama oo ay Wasiirro dalkoodii ka dhex shaqaynaya.
Waxa kale oo uu Boobe ku baaqay in ciidammadda laga soo saaro gobolka Awdal, arrintaasi oo macnaheedu yahay in aanu gobolkaasi ka mid ahayn dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhawaaqa xisbiga WADDANI waa mid ay ku doonayaan inay uga faa’iidaystaan in ay dadka iyo dadka reer Somaliland ku kala geeyaan, waxase bulshadu la yaabtay siday uga been sheegeen ciidamada qalabka sida oo ay sheegeen in gobolka Awdal lagu daad-gureeyay kaareyaal iyo ciidammo xad dhaaf ah, arrintaasi oo ah mid aanay waxba ka jirin oo ah been ay ummada u ka iibinayaan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply