Millitariga Israa'iil Oo Dilay Falastiini

0
455

Millitariga Israa’iil ayaa toogasho ku dilay nin Falastini ah, intii ay wadeen hawlgal ay dad kaga xidhxidhayeen Daanta Galbeed ee la haysto.
Millitariga Israa’iil waxa ay sheegeen in askartoodu ay weerar kala kulmeen galitaanka xerada qaxootiga ee Qalandiya, rasaasti ay ku jawabeena uu ku dhintay qofkaasi iyadoo qof kalena uu  ku dhaawacmay.
Qof goob jooge ah ayaa sheegay in marka la toogtay 20 jirkaas uu ka daawanayay ciidanka gurigiisa dushiisa.
Dareenka u dhaxeeya Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta ayaa sare u kacay bilihi u dambeeyay, inta badan darenkaasi waxa uu ka dhashay dhulka lagu muransanyahay ee Qudus.

 

Leave a Reply