Dagaalo Ka Dhacay Afghanistan

0
394

Dagaalo u dhaxeeya ciidamada amaanka ee Afqanistaan iyo dagaalyahanada Daalibaan ayaa maalintii seddexaad ka socda deegaanada buuraleyda ah ee Gobolka Kunaaar oo ku dhaw xuduudda dalka Pakistan.
Xukuumadda ayaa sheegeysa in toddoba iyo toban ka mid ah dagaalyahanada Daalibaanka la dilay, sodon kalena la dhaawacay. Ciidammo dheeraad ah oo la geeyay deegaankaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay hareereeyeen gobolka Daangaam, halkaa dadka deegaanka oo ka soo horjeeda Daalibaan ay taageerayaan ciidammada dowladda.
Waxaa korodhay weeraradda ka dhacaya dalka Afqanistaan dhowrkii todobaad ee ugu danbeeyay.

 

Leave a Reply