Jamhuuriyada Ka Go’aday Maraykanka ee Molossia

0
462

Jahuuriyadda Molossia ayaa ah dal madaxbaan oo ka go’ay dalweynaha Maraykan. Molossia waxay taalla gobolka Nevada ee dalkaasi.   Inkasta oo ay sheegtay inay tahay dal ka madax banaan Maraykanka haddana weli ma jirto dawladaha dunida  iyo ururada caalmiga mid si rasmi ah u aqoonsatay. Jamhuuriyadan waxa asaasay Kevin Baugh oo ah madaxweynaha dalkaasi. Hore waxa loogu yaqaanay Pennsylvania  laakiin wakhtigan waxa lagu magacaaba  Molossia oo ah eray Spanish oo macnihiisu yahay  buurta quruurax ah. Jamhuuriyaddan ayaa si buuxda ugu dhawaaqday madax banaani sanadkii 1990.  Molossia ayaa leh dastuur lagu sameeyay shirweyn qaran (national assembly) kaasi oo si cad u sheega xuduudaha jamhuuriyaddan, awoodaha madaxweynaha iyo xidhiidhka arimaha debedda.
Molossia ayaa aqoonsatay dalal badan oo la mid ah kana go’ay dal kale. Waxay ahayd Jamhuuriyadii u horaysay ee aqoonsatay Kosovo maalin ka dib markii dalkaasi uu sheegay inay yihiin dawlad ka madax banaan  Serbia February 18, 2008. Madaxweynaha Molossia ayaa  warqad rasmi ah u diray Jamhuuriydaaasi cusub oo cadaynaysa aqoonsiga. Dhulka ay ku fadhido ayuu madaxweynhu ku sheegay qiyaas dhan 49,881M2.
Jamhuuriyadan aya leh Passport u gaar ah oo uu sexeexo madaxweynaha dalkaasi. Laakiin Jamhuuriyadani malaha ciidan u gaar ah, iyadoo sheegtay in maraca la aqoonsado ay dhamaystiri doonto wixii ka dhiman.  Sawirkuna waa madaxweynaha dalkaasi oo gacanta ku haya boodhka cadaynay inay tahay Jamhuuiryad madax banana.

Leave a Reply