Suxufi sheegay Inuu Jinka Sawir Ka Qaaday (Qaybta 2aad)

0
499

Markii uu Sir Jhoson ka waramayay arimaha yaabka leh ee kala kulmay gurigan, waxa ka dhex gashay gabadhiisa Elizabeth iyadoo wejigeeda uu ka muuqdo argagax iyo naxdin  wayn waxayna ku tidhi “ Halkan waxa imika inala jooga ciidamo rooxaan ah”. Iyadoo ka codsatay ninkeeda iyo saaxibadii inay hadalka hoos u dhigaan iftiinka khafiifiyaan, markii ay sidaas sameeyaana uu mid kasta iska fadhiisto miiska.  Ka dibna Elizabeth ayaa bilowday inay wax akhrido, iyadoo farteedna kor u taagaysa oo tilmaamaysa calaamado iyo astaamo qarsoon oo aan la fahmi Karin.   Si kedis ayuu jidhkeedu isku bedelay sidii qori oo kale indhahana way  cadaysay ka dibna way miyir beeshay. Miiska ayaa bilaabay inuu si xoog leh u ruxmo. Isla wakhtigaasi ayuu qiiq ka soo baxay badhtamaha miiska oo ku faafay qolkii isagoo daruur yar oo kale ah, waxaana ka dhex muuqday nin leh muuqaal cabsi leh.   Mid ka mid ah saaxiibada Jhonson ayaa ahaa suxufi qoraa ah, waxaana shandada ugu jirtay kamaradiisa.  Markii ay dadkii goobta joogay ku wareereen arinkaasi ayuu isagu la soo baxay kamaradii waxaana uu ka qaaday sawir muuqaalka ninkaasi cabsida. Markii uu sawirka ka qaadayay waxa ruxmay tiirarka guriga waxaana la maqlay dhawaaq naxdin leh oo leh ”Waan idinka aar gudan “. Markii ay ka soo baxday dareen la’aantii Elizabyth waxay ahayd mid cadhaysan  waxaana ay sheegtay inay jiraan balamo adag oo dhex maray iyada iyo rooxaanta jinka ah , waxayna sheegtay in sawirka laga qaaday uu tilmaamayo in balankii laga baxay.  Ninkeeda ayaa ka codsaday saxafigii in aanu baahin sawirkaasi, arintaasina waa uu ka ogolaaday weriyuhu.
Laakiin saxafigu muu kaga dhabayn waxaana uu subixii ku xigtay ku qoray wargeyskiisa caanka ah cinwaan ah “ Sawirkii ugu horeeyay ee laga soo qaado dunida Jinka” , sawirka hoostiisana waxa uu ku qoray warkii cabsida lahaa ee guriga iyo sidii rooxaantu usoo booqatay.  Muddo yar ka dib waxa bilaabmay in laga aarguto dhamaan dadkii goob jooga ka ahaa fadhigaasi.  Maydka islaantii Jhoson waxa laga helay meel u dhow beerta gurigeeda iyadoo la jarjaray.  Weriyihiina waxa lagu dhex gubay qolkii uu ku jiray. Sir Jhoson ayaa isaguna isagoo dhintay laga helay xamaamkiisa oo halbawlaha la jaray.  Intii ka hadhay ee kale waxay noqdeen kuwo xanuunka waalidu ku dhaco. Gurgii Jhoson ayaa isna maalmo yar ka dib dab qabsaday isagoo hurushoobay oo noqday mid baabay oo aanay waxba ka hadhin.  ( Rechtford book).

Leave a Reply