Dawladda Pakistan oo daldashay laba qof

0
419

Pakistan ayaa dishay laba qof oo lagu cadeeyay inay xagjiriin ahaayeen, taas oo daba socota go’aanka ra’iisul wasaaraha, Nawaz Sharif ee ahaa in la ogolaado ciqaab dil ah oo lagu qaado dadka ku lugta leh kooxaha dalkaasi ka dagaallama.
Amarkaasi ayaa soo baxay kaddib markii caruur badan lagu dilay iskuul ay kooxda Taalibaan weerar ku qaadeen isbuucan oo ku yaala magaalada Peshawar.
labadan qof ee la daldalay, ma ahan dad lala xidhiidhnayo weerarkii dhacay isbuucan ee masuuliyadiisa ay Taalibaan sheegatay.
Balse dilkan ayaa imaanaya iyadoo xilligan dowladda la saarayo cadaadis ah inay farriin adag u dirtay kooxaha xagjirka ah.
Mid ka mid ah raggaasi ayaa lagu helay inuu lahaa maskaxdii lagu weeraray xarunta militariga ee Rawalpindi.
Midka kale ayaa lagu helay dembi ah inuu isku deyay inuu shirqoo ku dilo madaxweynihii hore ee Pakistan, Pervez Musharraf.
Daldalaaddan ayaa dhacday saacado kaddib markii golaha xuquuql aadanaha ee Qaramada midoobey ay Pakistan ka codsadeen inay joojiso xukunka dilka ah, taas oo ay ku tilmaameen inaysan joojin karin argagixisanimada.
Dad badan oo lala xidhiidhinayo kooxaha dagaalka kula jira dowladda Pakistan ayaa la filayaa in dhowrka maalmood  ee soo socota la daldalo
 
By: Siciid Faarax Cagjar

Leave a Reply