Ninka Kursigii Wakiiladda Laga Furfuri la’yahay, Kursiga Madaxweynaha Ma Ku Aamini karnaa?

0
450

By:Sakriya Muuse Cabdirisaaq
 
 
 
Marka koowaad Mahad iyo amaanba dhamaantood waxaa leh Allaah SWT.  marka labaad waxaan hambalyo iyo bogaadin u jeedinaynaa dhamaan shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba.sida ka muuqata ciwaanka qoraalkayga waxaan rabaa in aan waxoogaa dadka reer Somaliland u iftiimiyo waa kuma  gudoomiyaha golaha Wakiiladu   Cabdiraxmaan Cirro?.
 
 
 
Sida  aynu la wada socono Cirro waxa macaciisa bulshada Somaliland ugu horeysay 2005 markii uu ku guulaystay inuu noqdo xubin ka tirsan Baarlamaankii ugu horeeyay ee ay shacbiga Somaliland codkooda si xor ah ugu soo doortaan isaga oo markaa ka soo baxay xisbiga UCID gaar ahaan gobolka Saaxil.
 
Cirro  marnaba kumuu fikirin kumana seexan iska daa inuu gudoomiye xisbi noqdee xataa inuu ku guulaysto kursiga xildhibaanimada,  wakhtigaa 2005 waxaa  wadanka ka jiray laba xisbi oo uu loolan adagi ka dhaxeeyay waa xisbigii UDUB iyo Xisbi xaakimka Kulmiye,  xisbiga saddexaad ee UCID oo uu Cabdiraxmaan Cirro ka tirsanaa muu ahayn xisbi cod badan helay ama si kale hadaynu u dhigno marnaba kumay seexan inay helaan kurisiga gudoomiyaha golaha baarlamaanka Somaliland.
 
 
 
Nasiib  wanaag xisbiga KULMIYE oo ahaa xisbi firfircoon ayaa go’aan waxa uu ku gaadhay inay qataan xisbiyada mucaaridka ahi shir gudoonka golaha Wakiiladda taasi  oo uu xisbiga KULMIYE si sharaf iyo gobonimo leh ugu caleemo saaray  Cabdiraxmaan Cirro  inuu noqdo gudoomiyaha golaha wakiiladda,  halka labada gudoomiye ku xigeena uu qaatay xisbiga KULMIYE halkaasna lagaga guulaystay xisbi xaakilkii UDUB.
 
 
 
Taasina   waata keentay in uu  Cabdiraxmaan Cirro  ku fadhiyo kursiga shir gudoonka golaha Wakiiladda mudo 10 sanno ah taas oo ka dhigaysa gudoomiyihii ugu wakhtiga dheeraa,  intasna waxa kursiga ku ilaalinayay xisbi xaakimka KULMIYE.   waxaana halkaa ka cad in Cabdiraxmaan Cirro siyaasada uu ku soo daray xisbiga KULMIYE.
 
 
 
Cabdiraxmaan Cirro  ma aha nin siyaasi firfircoon ah waa nin inta badan ku tiirsan ama ku shaqeeya rayi ama fikir cid kale daaha dabadiisa ka soo hagto, waa nin ay wax badani ka dahsoon yihiin ama aan dareensanayn marka laga hadlayo qarankan curdinka ah.
 
 
 
Cabdiraxmaan Cirro  waxa uu had iyo jeer hamigiisa ugu wayni ahaa sidii uu u xejisan lahaa kursiga gudoomiyaha golaha Wakiiladda,   Cabdiraxmaan Cirro waa nin aan mar kaliya ka hadal wax u dan ah qaranka mudadii uu xilka gudoomiyenimada hayay,   Cabdiraxmaan Cirro  waanin aan ka tegayn wax lagu xasuusto mudaadaa dheer ee uu xilka hayay taasina waa mid laga wada dharagsanyaay.
 
 
 
 
 
Cirro  markii uu samaystay xisbiga WADANI waxa uu markiiba bilaabay inuu ku takrifalo xilkii loo igmaday ee uu ku hogaaminayay golaha Wakiiladda,  waxa uu bilaabay inuu u baxo socdaalo isaga u gaar ah isgoo adeegsanayay  mansabka uu qaranka u hayo iyo dhaqaalihii golaha Wakiiladda loogu tallo galay,  taas oo keentay inay xubnaha golaha wakiilada oo markoodii horaba ka niyad jabsanaa sida uu u gudanayo shaqadii uu qaranka u hayay iyo hogaan xumadiisa inay u soo jeediyaan in uu xilka golaha wakiilada iskaga dago madaama uu noqdo gudoomiye xisbi qaran taas oo uu  Cabdiraxmaan Cirro  ka gadooday sababtoo ah haddii uu waayo xilka gudoomiye.nimda golaha wakiilada waxa  uu ogyahay in aanu kaligii istaagi Karin.
 
 
 
Taasina  waxay keentay inay golaha wakiiladu dhar jeer iku dayeen in ay xilka ka qaadaan si uu ugu madax banaanaado shaqadiisa xisbig iyo gudoomiye mucaarid.
 
 
 
 
 
laakiin   Cabdiraxmaan Cirro  waxa uu isku qanciyaya in aan laga qaadi karin xilagan  gudoomiyaha maadaama uu mudo dheer soo ahaa (baadi kugu raagta inaad leedahay ayaad ismoodaa),  intaa ka dib golaha wakiilada ayaa waxay isku dayeen inay  Cabdiraxmaan Cirro  xilka ka qaadaan.
 
 
 
Nasiib   darro  Cabdiraxmaan Cirro  waxa uu arrintaa u adeegsaday amaba uu u dhigay qaab qabyaladeed isaga oo adeegsanaya beeshiisa,  taas oo keentay in uu dalka ka abuuro xaalad daganaansho la’aan ah. Hadaba   waxaan qoraalkaya ku soo gabagabaynayaa  Cabdiraxmaan Cirro Kursigii Guddoomiyaha  Golaha Wakiiladda Laga Furfuri  waayay, Kursiga Madaxweynaha Qaranka Ma Ku Aamini karnaa?
 
 
 
 

Leave a Reply