Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in wakhtiyad qaarkood uu la kulmay xaalado cajiib ah oo ay sabab u ahayd midabkiisa Madaw, inkasta oo uu haddana yahay madaxweynaha Dalka Maraykanka. Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in dadaka qaar aaminsan yihiin inuu yahay nin baarka ka adeega marka uu tago huteelada ay ku yar yihiin dadka da’diisa ah ee madaw. Obma ayaa arintan ku cadeeyay waraysi uu siiyay wargeyska People Arbacadii toddobaadkii hore. Gabadh Obma Michelle Obma ayaa iyana sheegtay inay iyadaba sidaasi oo kale ku dhacday marar ay ka dukaansi u tagtay super markets waaweyn, waxaana ay tidhi “Waxaan u malaynayaa inay dadku ilaabeen inaan guriga cad ku noolaa 6 sano. Obma wuxu ahaa ninka keliya ee madaw ee ku nool Xaafadda koonfurta Chicago , waxaan uu kala kulmi jiray baabuurta uu kiraysto dhibaato dhinaca midabka ah”. Arintan Obama iyo gabadhiisu ay qireen ayaa ku soo beegantay wakhti ay dadka madow ka cabanayaan in si cunsuriyad ah loogu kala dilay laba nin oo madaw Newyork iyo Missouri City. Obam ayaa sheegay in arintan cunsuriyadu ay aad u hagaagtay wakhtigan loona baahan yahay in laga sii horumariyo. ( SkyNews Dubai, 20/12/2014).