Reuters: Shiinaha Oo Haragga Eyga Iibiya

0
425

Wakaaladda Retures ayaa ka heshay muuqaalo sawiro Vedio ah koox difaacdda xuquuqda xayawaanka kuwaasi oo sheegay in wershadaha Shiinaha ay u isticmaalaan haragga Eyda inay ka sameeyaan Kabaha, gacmo gashiga iyo alabooyin kale oo ay debedda u dhoofiyaan.  Dalka Shiinaha ayay ku timi dhaleecayn ah sida uu ula dhaqmayo xayawaanka.  Iyagoo xayawaano kalena u isticmaala dawooyinka qaadimiiga ee lagu daweeyo dheecaanada qandhjida. Waxa kale oo dhacda in shabeelka isagana ay ku dilaan gobolada qaarkood si ay u helaan haragiisa iyo lafihiisa.  Hay’adda Xuquuqda xayaawanka ee PETA ayaa sheegtay inay booqdeen saddex meelood oo lagu xasuuqo xayawaanadaasi, iyo lix wershadood oo ah kuwa lagu sameeyo dhirta la isku daweeyo oo ku yaal badhtamaha Shinaha taasi oo socotay muddo hal sano.
Kormeerkan ayaa lagu qalitaanka  Eyda iyo isticmaalka haragooda.   Reuters aya cadaysay inay jirto adeegsiga haraga Eyda ka dib booqasho ay ku tagtay dalkaasina ay aragtay shaqaale maydhayay haragga Eyga isla markaana cadceeda ku qalajinaya.  Masuuliyiinta wershadda China Leather Industry Association ayaa ka gaabsaday inay waraysi iyo qaabilad la yeeshaan Reuters waxayna sheegeen in aanay isticmaalin haragga Eyda.
Wasaraadda Beeraha ee China ayaan ka jawaabin dalabyo is daba joog ah oo laga codsaday inay la kulanto saxaafadda si ay uga jawaabto su’alo laga wediin lahaa ilaalinta xuquuqda xayawaanka iyo isticmaalka haragooda.  ( SkyNews  Dubai, 20/12/2014).

Leave a Reply