Caajiska Oo La Sheegay Inuu Khatar Ku Yahay Dumarka

0
1054

Cilmi baadheyaal u dhashay dalkaasi Sweden ayaa deraasad ay sameeyeen ku sheegay in dumarka oo uu ku bato werwerku ay keeni karto inay waashaan ,kaas oo khatar ku ah nolosha dumarka xiliga lagu jiro nolosha dhexe,taas oo ah xiliga uu werwerkaasi sii siyaado.
Marka loo eego deraasadaasi ,waxa lagu sheegay in dheecana sababa caajisnimadaasi ay  sababi karto in waxoogaa iska hor imaadi ka dhaco jidhka qofka ,kaas oo keeni kara inay maskaxdu is bed bedel samayso,taas oo waxyeelo soo gaadhsiin karta qofka maskaxdiisa.
Waxaana lagu sameeyey cilmi baadhistan 800 oo dumar ah kuwaas oo u dhashay dalkaasi Sweden,kuwaas oo ay soo waajaheen caajis dhinaca furinka ah iyo kuwo shaqada ah ,kuwaas oo khatar ugu jiray xanuunka loo yaqaano Alzheimer’s-ka.
Dumarkaasi ka qayb qaatay ayaa da’doodu u dhaxaysay 30-40 ilaa 50 sanno,sida lagu sheegay warbixin lagu qoray wargeyska lagu magcaabo BMJ Open oo dalkaasi kazoo baxa.
Waxaana dumarkaasi kuwo ka horeeyey tijaabooyin lagu sameeyey  sannadkii 1968 kii ,iyada tijaabadaasi dib loo bilaabay sannadihii 1974 kii,1980,1992,2000, iyo 2005 tii.
Waxaanay dumarkaasi ka sheekeeyeen dhacdooyin kala duwan oo keeni kara waali marka dambe iyo caajisnimo intaba,iyada oo warbixintaasi lagu sheegay in 425 dumar ahi u dhinteen ,halka 153 kalena la daweeyey intii ka dambeysay markii la sameeyey cilmi baadhiso kala duwan,inta badan dumarkaasi laga daweeyey xanuunka waalida.
“inta badan dumarkan waxa laga daweeyey lagana daweyn karaa xanuuno kala duwan ,sida waalida iyo caajisnimo keenta isku buuq ,iyada oo loo daweynaayo hababka cilmi nafsiga iyo hababka kale badan ,dumarkanina waa kuwo da’ahaan dhex dhexaad ah ,waxaanay tani hir gashay afar qarni kadib”,sidaasna waxa tidhi Dr Lena Johansson oo ahayd madixii cilmi baadhista.

Leave a Reply