Cuqaasha Gabilay Oo Kalsoonidii Kala Noqday Guddigii Lagu Doortay Shirkii Hoodaale

0
467

By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
 
Gabilay(Dawan):-Cuqaasha wax garadka  dhallinyarrada iyo aqoonyahanka Gobolka Gabilay ee Beesha Sacad Muuse,ayaa caddeeyay in aanay metalin isla markaana magaca  beesha aanay ku hadli Karin guddigii loo doortay horumarinta beesha Sacad Muuse ee lagu soo dooortay shirkii Hoodaale ee beeshu ku qabsatay Agabar.
Cuqaasha iyo wax garadka   dhalinyarada aqqoonyahanka reer Gabilay oo  shalay kulan balaadhan isugu yimi ayaa caddeeyay in  guddigaasi ay  ka leexdeen arrimihii loo sameeyay isla markaana ay galeen wax ka baxsan shaqadooda.
Waxaanay guddiga ay kalsoonida kala noqdeen ku eedeeyeen in ay isku dayeen in beesha gudaheeda ay ka ridaan dhibaatooyin iyo isku dhacyo,iyagoo wax garadka Gabilay intaa ku daray in ay taasi u suurta gali weyday.
Ugu horrayn Caaqil Cumar Barkhad Bullaale oo  ka hadlay  kulanka shalay ee ay isugu yimaadeen wax garadka reer Gabilay, ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan.
 
 
“Gudiga lagu soo doortay shirkii Agabar ee loo soo doortay in ay yihiin gudi ka shaqaysa danaha Sacad Muuse, waxaanay isku bedeshay kuwo aan ka shaqayn danaha Sacad Muuse,waxay nagu soo boqdeen oo aanu illaa laba jeer aanu ku kulanay magaalada Wajaale,markaaba waxay noqdeen niman aanu ku dhaliilay habkii ay wax u wadeen.
Waxaanu intaa raaciyay oo uu ku daray hadalkiisa.  “Imikana in aanay wax wanaagsan wadin way muuqataa oo wuu sii socdaa,haddii uu wax qaldan bilaabona wuu baaba’aa,ilamana aha aniga hadalkaa iyo waxaa ay yidhaahdeen wax ka dambeeya oo hawl ah oo ay qaban karaan in ay jirto  waxaana muuqata in a sidaa ugu dhammaatay cid dambe oo ay matalaanna in aanay jirin ayaanu halkan ka caddaynaynaa haddaanu nahay reer Gabilay.”
 
. “Ta kale lix sannadood wax ay innaga xigaan anigaa hebeloow kuu saxeexay iyo anigaa hebeloow sidaa idhi waa gef weyn oo xagga ALLE laga galay ILLAAHAY oo kaliya ayuunbaana og  waxa ay ku dambayn doonto saxeexa ay sheegeen ee ay leeyihiin anagaa sidaa nidhina wax aan dambi iyo gef ahayn oo ku jira garan maayo,waxaanu leenahay hadalka nimankaasi ay yidhaahdeen waa wax la iska yidhi wax ka jiraana ma jiro, cid ay ku metelaanna ma jirto wax lala qaatayna maaha.”
Intaa waxaa noo raaca sadexda nin  ee musharixiinta ah  saddexdaba raallibaanu ku nahay waxaanan Muuse Bixi leeyahay Mujaahid waanu ku ogolnahay laakiin kuguma raacsanin waxaa  dadka lagu kala jabinao ee ay nimankaasi la yimaadeen ee adiguna ha qaadan oo halkaa kaga hadh.”
Caaqil Ismaaciil Cali Guray ,ayaa gudiga lagu soo doortay shirkii Agabar ee  dhawaan ku dhawaaqay in ay Muuse Biixi oo kali ahi beesha Sacad Muuse ugu taagan yahay musharaxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE  Madaxweyne Siilaanyo ka dib ku tilmaamay in ay tahay hadal la iska yidhi iyo kelmed fidmo ah oo beesha lagu soo dhex tuuray waxaanu intaa raaciyay in Sacad Muuse ka weyn yahay  mid fidmo ay ka dhex abuuri karaan 14 oo hadal iska yidhi,waxaanu yidhi  “Nimanka guddiga sheeganayay waxay yidhaahdeen saddex nin ayaanu kala reebnay sadexda ninna waxay yidhaahdeen labana dhanbay martay ninna dhan buu maray markaa hadday cod wax u kala saarayaan oo ay caddaalad ka shaqaynayaan maxay halkay labadu martay u mari waayeen.
Waxaanu leenahay nimankaasi qalad bay galeen  wax aan la qaadan Karin ayay ku kaceen wax dambena qaban maayaan cid ay metelaanna ma jirto shaqo dambe oo ay Sacad Muuse u hayaanna ma jirto mana jiri doonto. Sacad Muusena Waa Sacad Muuse sidiisii ayaanu ahaanayaa kana wayn Sacad Muuse  mid 14 nin isku jabiyaan”
Waxaa kale oo isna  kulankaa ka  hadlay  Xasan Sheekh Muxumed Warsame oo ka mid ah hoggaanka sare ee  Xisbiga KULMIYE waxaanu sheegay in Dimuquraadiyadda Somaliland ka soo unkantay asxaabta Qaranka isla markaana  meesha kaliya ee cidda musharixiinta ah lagu kala saaraa in ay tahay gudaha  xisbiga ay  ka tartamaaan wax iskaga xidhan reer iyo musharixiin xisbi Qaranna in aanay jirin.
 
“Dimuquraadiyadda Somaliland waxay ku dhisan tahay kana aasaasantay asxaabta Qaranka lamana odhan karo dhawr qof oo aan xisbiba ahayn ayaa jaangoynaya cidda doorashada isku soo taagaysa, Xisbiga KULMIYE ayaa kala saaraya musharixiintiisa laakiin wax reer u yaalla maaha waxaynu asxaabta u samaysanay in qof kastaaba is sharixi karo la dooran karo waxna dooran karo,halka lagu kala baxayaana waa gudaha Xisbiga laakiin kala saarista musharixiinta Xsibiga KULMIYE wax u yaalla beel maaha,”ayuu yidhi Xasan Sheekh Muxumed Warsame.

Leave a Reply