Daacish oo Gacanta ku dhigtay Duuliye Carbeed

0
387

Ciidammada dalka Urdun ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah diyaaradahooda dagaalka ay ku burburtay deegaan uu ku xooggan yahay ururka Daacish.
Ururka Daacish ayaa sheegay in uu soo riday diyaaradda dagaalka, kaddib markii ay duqeyn ka geysatay meel u dhow magaalada Raqqa ee dalka Suuriya.
Duuliyihii diyaaradda ayaa waxaa qabtay xooggaga Daacish, kaddib markii uu baarashuudkiisa kula degay meel haro ah.
Urdun ayaa ka mid ah afar dal oo Carab ah, kuwaasi oo qeyb ka ah duulaanka cirka ee ka dhanka ah Daacish ee uu Mareykanka hogaaminayo.
Diyaaraddan ayaa la rumeysan yahay in ay tahay tii ugu horreysay ee laga soo rido xulafada uu Mareykanka horkacayo.
 
 

Leave a Reply