Hong Kong: Malaayiin Doolar oo Jeebadaha laga Buuxsaday

0
362

Booliiska Hong Kong ayaa ka codsaday dadweynaha in ay iska sooceliyaan malaayiin doolar oo la qaatay kadib markii uu jid muhiim ah  ku burburay gaadhi siday HK$525m ($68m; £44m).
Ilaa  HK$35m ($4.5m; £3m) lacag noodh ah oo qaddarkeedu yahay ilaa shan milyan ayaa lagaga tegay jidka oo firidhsanayd kadib markii uu shilku dhacay.
Goob joogayaasha ayaa sheegaya in ay  tobanaan dad ahi ku soo yaaceen goobtii oo ay jeebadaha ka buuxsadeen kaashkii ka hor intanay soo gaadhin booliis hubaysan oo sugay amnigii goobta.
Waxa laga gaadhay oo dib loo ururiyay ilaa  HK$20m, waxaana booliisku ka digay in cidii iska soo celin wayda lacagtaasi ay mutaysan doonaan denbi aad u adag.

Leave a Reply