Laba Saynis Yahan Oo U Dhashay Ingiriiska iyo Biljem Oo Ku Guulaystay Nobel Prize-ka Physics-ka Sannadkan 2014

0
370

Labada saynis yahan ee Peter Higgs iyo  Francois Englert oo u kala dhashay dalalka Ingiriiska iyo Belgium ayaa loo magcaabay inay yihiin gulaysteyaasha Nobel Prize –ka lagu bixiyo cilmiga loo yaqaan Physics-ka ee sannadkan 2014.
Waxaanay ku qaateen biladan kadib markii ay kazoo shaqeeyeen aragtida loogu magac daray Higgs Boson,taas oo ay ku sharaxayaan sababta inta badan lakabyada ay caalamku ka samaysan yahay u noqday mid culus ama adag.
“aad ayaan ugu faraxsanahay in aan soo gaadho jaahisadan bixin teeda waxanaan u mahad naqayaa Royal Swedish Academy”sidaa waxa yidhi professor-ka 84 jirka ah ee Higgs hadal uu ka jeediyey jaamacada University of Edinburgh .
Waxaanu ku daray “waxaan rajaynayaa in ictiraafka aas aasiga ah ee Saynisku noqdo mid caawiya  kor u kaca wacyigelineed ee cilmi baadhista circa buluuga ah”.
“dabcan waan faraxsanahay”ayuu yidhi Englert mar uu shucuurtiisa oo la weydiiyey ka jawaabaayey ,waxaanu u mahad naqay cid kasta oo cilmibaadhistiisa ka caawisay.
Aragtidan lagu magcaabo Higgs Boson ayaa ah mid lasoo gebagebeeyey sannadkii 2013 kii,iyada oo sannadkan bilada dhinaca  Dawooyinka la siiyey nin Saynis yahan ah oo u dhashay dalkaasi Maraykanka laguna magcaabo James Rothman,Randy Schekman iyo Thomas Sudhof ,kuwaas oo la gudoonsiiyey maalintii Isniintii,iyada oo dhinaca Physics-ku ahaa sannadkii labaad ee lasoo saaro .

Leave a Reply