Hargeysa, (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xeer madaxwey ku dhaqan-geliyay wax-ka bedelka iyo kaabista xeerka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.
War-saxaafaddeed shalay ka soo baxay xarunta madaxtooyada, isla markaana uu ku saxeexan yahay af-hayeenka aqalka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahayJSL/M/WM/240-2867/122014 ku meel-mariyey, Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.
Madaxweynuhu markuu arkay qodobka 90aad ee dastuurka jamhuuriyadda Somaliland.
Markuu arkay qodobka 75aad ee dastuurka jamhuuriyadda Somaliland.
Markuu arkay go’aanka golaha wakiillada go’aan Lr. GW/G/KF-27642/2014 ee ku taariikhaysan 06/12/2014 ee ay ku ansixiyeen wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka diiwaangelinta cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.
Wuxuu soo saaray Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha Xeer Lr. 37/2007. Xeerkan waxa hore u soo ansixiyay labada aqal ee baarlamaanka (Guurtida Iyo Wakiiladda).