Rabshado ka socda Maraykanka

0
350

Rabshado ayaa ka sii socday magaalada St. Louis ee dalka Mareykanka, kaddib markii halkaa ay booliska ku dileen wiil madow ah oo aan hubeysneyn.
Isku dhacyo ayaa dhex maray ciidammada ammanka iyo dhalinyaro cadheysan, kaddib markii uu soo baxay warka sheegaya in wiilka oo lagu magacaabo, Antonio Martin, ay boolis ku dileen meel saldhig ah.
Booliska ayaa sheegay in askariga dilka geystay oo is difaacayay, maadaama la sheegay in  wiilka uu bastoolad ku soo taagay.
Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Berkeley ee magaalada St Louis, oo saddex kilo mitir u jirta deegaanka Ferguson, Missouri, halkaasi oo bishii August uu askari boolis ah ku toogtay wiil madow ah oo lagu magacaabo Micheal Brown.
 

Leave a Reply