Shir-weynihii Shanaad Ee SOLJA Oo Maanta Ka Furmaya Iyo Xubno Sheegay In La Af-duubay Ururkii Suxufiyiinta

0
391

By: Khadar M. Dhako

Hargeysa (DAWAN)Guddoomiyaha Ururka  Suxufiyiinta Somaliland SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf ayaa daadafeeyay in xukuumadu  soo faro-galisay shir weynaha SOLJA ee maanta ka qabsoomay Huteel Ampassador ee magaalada Hargeysa.

Xasan Maxamed Yuusuf oo shalay warbaahinta  la hadlay ayaa waxa uu sheegay in gudida fulinta ee  SOLJA isku raaceen in la qabto shirweynihii shanaad ee ururkaasi, waxaanu ku dooday in ay ka soo qaybgali doonaan suxufiyiinta  Somaliland oo dhammi.

 “Labadan xubnood waxay ka mid yihiin gudida fulinta, haddii guddi fulineed la eegayo waxa inta badan gudida fulintu isku raaco ayaa ansaxa. Shalay doraad waxa aanu shir  ku galnay xarunta ururka SOLJA xubnaha gudida fulinta ee joogay, Guddoomiye ku xigeenka iyo  xoghayaha , Aniga (Guddoomiyaha)  iyo afar xubnahood oo kale, labadoodu way naga aragti duwanaayeen  intayada kale isku aragti ayaanu  ka ahayn qabashada shirka, guddoomiyaha ururkuna waa aniga, xubnaha kale ee gudida fulintuna way igu raacsan yihiin in aanu shirka qabano,”ayuu yidhi Guddoomiyaha SOLJA, waxaanu intaas dabo dhigay “Waxa kaliya ee meesha yaalay waxa uu ahaa damac, ninkuna haddii uu damac leeyahay si  kalsooni leh ayuu u wajahaa damiciisa oo wuu u badheedhaa, laakiin haddii aanu lahayn kalsooni waxa uu doonayo uu ku wajaho hadal uun  buu maciinsanayaa. Shirkuna wuu qabsoomayaa saacadna lagu dari maayo, markii hore  ayaanu  muddo dhaaf ku fadhinay, bishii 1/8/2014-ka ayay nagaga ekayd kuraasida aanu ku fadhinaa.”

 

Guddoomiyaha Ururka  Suxufiyiinta Somaliland SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, waxa kale oo uu beeniyay in xukuumadu farogalin ku  samaysay shirka maanta qabsoomaya, waxaanu   yidhi “Shirkaa la  leeyahay dawlada ayaa wadata meesha dawladii ma fadhido, wasiirrana ma fadhiyaan, madaxweyne ma fadhiyo. Suxufiyiin ayaa  fadhiya haddii ergada shirkaa fadhida lagu arko wax dawladu shaqo ku leedahay, dawladaa wadata haddii suxufiyiin lagu arkana  ururka waxa iska lahaa suxufiyiinta Somaliland.”

 

Geesta kalena xubno Guddoomiye Ku xigeenka Ururka Solja iyo Xoghayaha guud ee ururkaasi ee wakhtigoodu dhammaaday Maxamed Cabdi Curad Iyo Maxamed Rashiid Maxamed Faarax,  ayaa ku eedeeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada inay afduubeen ururkii suxufiyiinta.

“Shirku wuxu ku muddaysnaa Go’aan Guddi Guddoomiyuhuna Saxeexay, Guddidii Qabanqaabada ee qayb kamid ahi imika Shirkan iclaamisay waxa lagu kala diray Go’aan Guddi Guddoomiyuhuna saxeexay, sidaas si lamid ah ayaa lagu muddeeyey Qabsoomidda Shirweynaha Ururka Go’aan Guddi fulineed Guddoomiyuhuna saxeexay.”ayuu Yidhi Maxamed Curad.

Xoghayha Guud ee SOLJA Maxamed Rashiid Maxamed Faarax ayaa isna xaaraan ku tilmaamay shirka maanta furmaya, waxaanu yidhi “Waxanu caddaynaynaa inuu shirkaasi yahay mid xaaraan ah, halkana waxanu ku Haynaa Go’aankii Guddida Fulinta ee  Urururku aanu dib ugu dhignay shirkaas wax dambe oo Guddida Fulintu ka shirtayna aanay jirin, shirkaasna ay gacanta kula jiraan xukuumadda iyo ururka SONSAF.”

 

Leave a Reply