Wadne Xanuunka Oo La Ogaadey In Jimicsigu Uga Fiican Yahay Dawooyinka

0
400

Cilmi baadhiso la sameeyey ayaa lagu sheegay in jimicsiga jidheed ee dadku sameeyaan ay ka wanaagsan yihiin dawooyinka la qaato ,gaar ahaana dadka qaba wadno xanuunka iyo faaliga sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska caafimaadka wax ka qora ee British Medical Journal.
Waxaana lagu sheegay warbixintaasi in natiijadani soo baxday kadib markii lays bar bar dhigay wax tarka dawooyinkan iyo jimicsiga dadku sameeyaan ,iyada oo lasoo qaatay intii daraasadaasi lagu jiray dawooyinka caanka ah ee Statins iyo Beta blockers oo ay qaataan dadka bukaanka ah ee uu hayo wadno xanuunka iyo faaligu.
Cilmi baadhistan oo uu horkacaayey nin lagu magcaabo Huseyin Naci oo ka tirsan London school of Economics and Political Science iyo jaamacadda caanka ah ee Harvard Medical School oo ah qayb kamid ah jaamacaddaasi Harvard ,sidoo kalena waxa uu kamid yahay Us colleagues of Stanford University School of Medicine.
Waxaanay cilmi baadheyaashu sahamin ku sameeyeen 340,000 oo bukaan ah iyaga oo markasta is dhinac dhigaayey dawooyinkaas ay qaataan iyo jimicsiga ay sameeyaan ,sidoo kalena eegaayey xadiga dhimasho ee ay dawooyinkaasi keenaan.
Sidoo kalena cilmi baadheyaashaasi waxay eegayeen waxyaalo ay heleen oo ah 305 isku day oo xaalado afar ah ka koobnaa kuwaas oo kala ahaa ,xanuunka macaanka ,Xanuunada wadnaha,faaligaiyo wadna oo dadka hoos u dhaca.
Waxaanay ku sheegeen warbixintaasi in jimicsigu aad uga waxyeelo yar yahay marka loo eego dawooyinku waxyeelada ay lee yihiin,sidoo kalena uu jimicsigu ka wax tar badan yahay dawooyinkaasi,madaama oo samayntiisa dambe yar tahay.
“waxa jira cadaymo xadidan oo aanu helay markii aanu ku jirnay hawshan daraasada taas oo muujinaysa faa’iidooyinka jimicsiga iyo kuwa dawooyinka oo aan sidaasi u kala fogayn ama aan waxba isu dheerayn”,sidaasna waxa yidhi Amy Thompson oo ah Neersi kamid ah kuwa wadnaha oo ka tirsan ururka British Heart Foundation.

Leave a Reply