“Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Maaha Kulamo Caadi ah, Balse waxay Baraarujinaysa Caalamka….”

0
463

“ Axsaab Iyo Shicib-ba Waa Inaynu u Midownaa Wada hadalada aynu la leenahay Soomaaliya”

By: Siciid M.Askar

 

Hargeysa, (Dawan)- Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw-daahir Cali ayaa ka hadlay maxsuulka wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in wada-hadalladaasi ay yihiin tubtii uu dalkeenu ku gaadhi lahaa aqoonsi caalami.

Wasiir Cabdi Aw-daahir waxa uu tilmaamay in wada-hadallada labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya aanay ahayn kulamo caadi ah, balse ay yihiin madal caalamka ku baraarujinaysa waxa qabyada ka ah Somaliland, iyadoo uu kulankaasi kor u sii qaadayo jiritaanka labada dal iyagoo kala madax-banaan.

Wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland oo ka mid ahaa weftigii dhawaan madaxweynaha ku wehelinayay kulankii wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee ku qabsoomay dalka Jabuuti ee aynu jaarka nahay,  waxaanu qoraal uu arrimahaas ku faahfaahnayo soo gaadhsiiyay xarunta wargeyska Dawan.

Waxaanu qoraalkaasi udhignaa sidan: “Arrinka  raadinta aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland waa kama dambaystii waqtigii aynu sugaynay in la helo  aqoonsi caalami ah oo aynu xubin joogta ah ka noqono hay’addaha dawladdaha caalamka iyo kuwa gobolleedyadaba. Illaahay ayaa wax og, waxaan hubaa, waxa inoo muuqata in sannadka  2015 uu yahay sannadkii himiladaasi rumoobi lahayd. Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee soo taxnaa ee ay ugu dambaysay  kii dalka Jabuuti ee bishanwaa wadada ugu muhiimsan ee qarankan uu u jeexay Madaxweyne  Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo) ee dalka Somaliland uu ku gaadhaayo  aqoonsi uu ka helo caalamka, walaalayaal, Ummadda Somaliland waa dal madax-banaan oo leh xad mucayin ah oo dhuleed, bad iyo hawo oo maamul dawladdeed oo qaran oo ku dhisan dimuqraadiyad, kala dambayn sharci, amni, una dhan yihiin dhamaan haykalnimadii qaran iyo dawladnimo, caalamku arrimahaas oo dhan wuu ogyahay, waanu aqoonsan yahay.

 

Waxa cad inaanu caalamku weli ina aqoonsan (international legal recognition). waa ka uu yahay hiigsigeenu. Shirarkan taxanaha ahi maaha oo keliya kulamo aynu isugu nimaadno inaga iyo Soomaaliya ee waa madal caalamka ku baraarujinaysa waxa qabyada ah ee ka dhiman Somaliland, kulankii qabsoomaa wuxuu kor u qaadaya aqoonsiga jiritaanka laba dal oo kala madax-banaan taariikh hore isku darsaday muddo 31 sanadood dhib iyo dheef ka dhaxeysay . Muddo 23 sannadood ahna kala tashaday, waxa inoo hadhay hadda waa caalamka oo inoogu dhufta shaambadii aqoonsiga caalamiga ah. Illaahay idankii way imanaysaa waanay ku sii siqaysaa in la gaadho haddii Eebbe idmo 2015.”

“Waxaad ka akhrideen heshiiskii lagu kala saxeexday Jabuuti qodob xudun dhexaad u ah,  kaasoo ah in Lagu dhiirado arrimaha masiiriga ah. Arrimaha masiiriga ahi waa aqoonsiga dhabta ah ee Somaliland, mana aha wax mugdi ku jira, lana galin karo, sidaas ayuu ku hagayaa qaranka, ummadda ,iyo dawladnimo madaxweynuhu, isla markaana guddida wada-hadalladu fulinayaan.

Waxaa xaqiiqa ah ,oo ah sunaha dawladnimo oo shacab, axsaab, iyo goleyaalba aynu kusoo dhaqanay, kuna soo caanamaalnay inaynu kala fikir iyo aragti duwanaano, isla markaana danta guud ka midaysnaano, waxa taa kasii duwan marka uu  yimaado arrinka la xidhiidha qaranimada Somaliland, weliba maalinta uu arrinku joogo lagana wada-hadlayo qadiyadda aqoonsiga Somaliland waa waajibka koowaad, marka laga yimaado islaamnimadeena ee ah in lagu midoobo oo la noqdo ul iyo diirkeed, isla markaana aynaan siyaasadayn, xisbiyayn, qabiilayn, kooxayn, waxaa dhab ah xukuumaddu inay wado tubtii lagu guulaysan lahaa oo aan shaki ku jirin, caadna saarnayn. Marmarka qaarkood markaad arkaysid tubta toosan  ee wax u socdaan ee hawshana loo wado lana barbardhigo hadallo kasoo yeedhaya qaar laga yaabo inay jecelyihiin in la gaadho aqoonsi, hadadana waxaad odhanaysaa waa kuwaa dhinicii kale u hiiliyay oo siyaasad laga dayay aan kuba jirin.

Marna qaar kale markaad aragto waxaad odhanaysaa nin ildheer ayaa ugu ayaan daran. Waxaase la hubaaa oo Illaahay haddii uu inala qabto, sidan aynu wax u wadno inaynu ku guulaysanayno himaladeenaas, guushana waa loo samraa waxay raacaysaa cidda shacabkoodu si aan kala hadh lahayn u taageero, iskuna garab taago. Arrinkaas wada-hadallada reer Somaliland shacab, goleyaal, axsaab, waxgarad, siyaasiyiin taageera, isdaba taaga, ka midooba, xukuumadda iyo madaxweynaha waa in yar iyo weyn lagu dabo faylo, si aqoonsiga looga midho-dhaliyo. wado kale oo aan taa ahayn oo inoo banaani ma jirto. Annagu ka caajisi mayno waananu soo dhalinaynaa aqoonsiga. shacabka reer Somaliland barbarkay ka baxdaa waa bakayle qaleen iyo waxaa inoo ballana aqoosigeena iyo 2015.”

 

 

Leave a Reply