Madaxweyne Siilaanyo Iyo Ujeedada Socdaalkiisa Magaaladda Bebera

0
409

Hargeysa (DAWAN)- Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed  Maxamuud (Siilaanyo)  ayaa shalay galab booqasho ku tagay  magaalo xeebeeda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Waxa la soo weriyay in booqashada madaxweyne Siilaanyo ee Berbera ay tahay mid gaar ah isla markaana ay ku weheliyaan marwada koowaad Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo xubno kale oo qoyskiisa ka mid ah. warku waxa uu intaas ku daray inay madaxweynaha ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Inkasta oo aan la sheegin mudada uu madaxweynuhu halkaasi joogi doono, hase yeeshee waxa la sheegay in mudada uu joogo uu kulamo la yeelan doono maamulka gobolka, ka degmadda iyo laamaha kala duwan ee gobolka Saaxil.

Waxa kale oo la sheegay in madaxweyne Axmed Siilaanyo uu furi xadhiga ka jari doono mashruuc lagu balaadhinayay marsadda Berbera, oo laga  maal-geliyay  qasnada dawladda  Somaliland.

 

 

 

Leave a Reply