Dawladda Oo Horumarinaysa Ceelasha Biyaha Sanadka 2015-ka

0
612

Hargyesa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda Kheyraadka Biyaha Somaliland Mudane Xuseen Maxamed Cabdille ayaa shalay ka warbixiyey qorshayaasha shan ceel biyood oo ka mid ah 15 ceel oo sanadkan 2015 la qorsheeyey in laga dhamaystiro qoditaanka meelo kala duwan oo ka tirsan gobolada Somaliland.
Wasiirka biyaha  waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id uu shalay ku qabtay magaalada Hargeysa, kaasi oo lagu shaacinay mashaariic cusub oo lagu horumarinayo biyaha, waxaa wasiirka ku wehelinayay qaar ka mid ah masuuliyiinta sare ee wasaaradda iyo hay’addaha wada shaqaynta la leh wasaaradda.
Mudane Xuseeen Maxamed Cabdille waxa kale oo uu ka waramay siyaasadda  horumarinta biyaha ee dalka, waxaanu sheegay in xukuumadda Somaliland ay qorshaynayso sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha biyaha ee ka jira gobolada iyo degmooyinka dalka, iyada oo loo kala horraysiinayo ama ahmiyada loo kala siinayo sida ay u kala duruufo adag yihiin, wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Saddex iyo toban ceel ayaa inoo hadhay, waxaanay bilaabmayaan marka aynu kuwan hadda gacanta lagu hayo aynu sii dayno. Ciddii ka soo qayb gashay ee ku guulaysatay waxaan kula dardaarmayaa deeqdaas la ina siiyay ee la inoo keenay in ay iyaguna sida ay tahay ay u fuliyaan oo ay u dhamaystiraan.”
Wasiirka wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland Mudane Xuseen Maxamed Cabdille waxa kale oo uu intaas raaciyay “Tartamayaasha aan maanta ku guulaysan mashruucan, waxaan leeyahay dulqaata haddaad maanta ku guulaysan waydeen waxaa inoo yaala mashaariic kale oo ah  ceelal cusub, qaar kalena way inoo imanayaan. Sidoo kale waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Hay’adda Islamic Relief iyo madaxda halkan u joota oo hawshaas iyo fulinteeda culays badan iska saaray, wada shaqayn fiicanna waanu leenahay, markaa Islamic Relief aad ayaan ugu mahad naqayaa.”
Dhinaca kale waxa iyaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay agaasimaha waaxda biyaha ee wasaaradda khayraadka biyaha mudane Cabdirashiid Faarax iyo Cabdi Xasan oo ka mid ah masuuliyiinta ka socotay hay’adda Islamic Relief oo iyadu gacan saar iyo wada shaqayn la leh wasaaradda ayaa sheegay in mashaariicdan sanadkan laga hirgaliyo dalka ay wax wayn ka tari doonaan baahiyaha biyaha ee dalka ka jira, iyada oo shantii ceel ee ugu horreeyay hadda la bilaabi doono.”
 
By. Axmed M. Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply