Hindiya: Tuug Fariin Ku Dhaafay Bank uu Xadayay

0
399

“ Waxaan ahay nin leh xaas iyo saddex caruur ah oo yaryar, waxaan ahay nin aan shaqo hayn, waxaana na haysata dhibaato” Erayadani may ahayn kuwo loo qoray hay’ad samafal oo laga codsanayo kaalmo. Waxay ahayd fariin uu nin tuug ahi u qoray Bank Hindiya ku yaal ka dib markii uu ku guul daraystay tuugadiisa.
Booliska ayaa cadeeyay in tuugani fariintan kaga tegay qayb ka mid ah baanka Carna Bank ee gobolka Bunjaad ee waqooyiga Hindiya.  Shaqaalaha baank ayaa booliiska la xidhiidhay 27/12/2014, markii ay fariintan akhristeen. Booliiska ayaa xaqiijiyay in tuugaasi ay ku adkaatay inuu xado baanka, sababtuna ay ahayd iyagoo ku jiray qol aad u adag lacagaha iyo alaabta dahabka ah ee qaaliga ah ee baanka yaalay. Tuuga ayaa kaga tegay laba shandood oo ay ku jiraan qalabkii uu doonayay inuu ku jebiyo khasnadaha. Fariinta tuuga oo dhamaystiran kuna qorayd luqadda Hindiga ayaa ahayd sidan:

“ Walaalyaal, arimuhu waa sidee? Wakhtigan waxaan qorayaa fariintan anigoo fadhiya kuraasidiina. Waxaan leeyahay xaas iyo 3 caruur ah mana shaqeeyo, sicir bararkiini xad dhaaf ayuu noqday. Wakhtigan waa markii iigu horaysay ee aan isku dayo inaan wax xado, taasina waan ku fashilmay” . Booliska aya sheegay in tuugan baanka uu ka soo galay dhinaca sare ee saqafka.

Leave a Reply