Jidda: Huteelo Caan ah Oo Loo Xidhay Nadaafad Xumo

0
438

Dawladda Hoose ee Jidda ayaa olole ku qaaday Huteelada ku yaal magaaladaasi todobaadkan iyadoo eegaysay heerka nadaafadooda. Ciidanka ayaa xidhay 10 huteel oo ay ku jiraan kuwo caan ah sababo la xidhiidha dhinaca kaydinta raashinka, iyo iyagoo ku xad gudabay dhinaca karinta cuntada oo aanay raacin tilammaaha khaaska  ah ee ku qoran cuntooyinkaasi. Wargeyska ka soo baxaa Jidda aya qoray in muran weyn ka dhex taagan yahay mulkiilayaasha huteelada iyo dawladda hoose. Huteelada ayaa lagu qoray hortooda boodh weyn oo tilmaamaya in la xidhay.

Leave a Reply