Fadhigii Baaqday Ee Wakiilada Iyo Mudaneyaal Googoys ah Oo La Shaaciyay

0
364

Hargeysa (Dawan)- Fadhigii Golaha Wakiiladda  ee shalay ayaa u baaqday kooram la’aan, ka dib markii ay madasha ka soo xaadiri waayeen mudaneyaal buuxin kara kooramka fadhiyada Goluhu ku furmaan oo ah 42 Mudane oo noqonaysa kala badh tirada guud ee aqalka Wakiiladda.
Gudoomiye ku-xigeenka koowaad Golaha Md.  Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in fadhigii baaqday lagu waday in la ansixiyo xeerka Xeerka Booliska oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo dib ugu soo celiyay Golahaas.
Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa baaq u diray xildhibaanadii ka maqnaaday fadhiga, waxaanuu yidhi “Gudida joogta ee Golaha Wakiilada maalinta loo asteeyay In ay la kulmaan Wasaaradaha Dalka, waa In ay ku eekadaan. Haddii ay sidan ku sii socotana waxa ay ku waayi-doonaan Xilka ay hayaan, Gudidda joogtadu waa in ay fadhiga soo ajiibaan,Guddoomiyayaashoodu waa in ay Fadhiga joogaan,.”
Magacyada xildhibaanada bilaa sabab uga maqnaa fadhigan oo ka noqon lahaa kii 21-aad ee ee ajandaha kalfadhiga 27-aad oo ay xildhibaanada golaha wakiiladu ku gudo jiraan qodobadiisa. Magacyada xildhibaanada la baafiyay ayaa waxay kala ahaayeen  Xildhibaan Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale, Xildhibaan Cabdilaahi Axmed Yuusuf (Maddar), Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan, Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi, Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, Xildhibaan Khadar Adan Xuseen (Ambaasatoor), Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, Xildhibaan Maxamed Baaruud Shide, Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cigge (Balaaki), Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane, Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), Xildhibaan Ibraahim Maxamed Xuseen Iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac.
Qoraalka baafinta ah oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle,  waxa lagu sheegay in xildhibaanada  la magac dhabay ay cudur daar  la’aan uga baaqsadeen fadhiyadda Golaha. Maaha markii ugu horaysay ee sidan oo kale loo shaaciyo magacyada xildhibaanno sabab la’aan uga  maqnaaday fadhiyada golaha wakiilada, waxaana aan lagu camal falin digniino hore.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply