Garabyadii Ku Hirdamayay SONYO Oo Laba Guddoomiye Kala Doortay

0
374

Hargeysa (DAWAN)-Dallada dhalinyarrada Somaliland ee  SONYO oo khilaaf weyni ka dhashay shirweynahoodii 7-aad oo ka socday caasimadda Hargeysa, ayaa shalay laba garab u kala jabay, waxaanay laba meelood oo kala duwan ku kala doorteen Laba Guddoomiye oo dhinac waliba sheegay in ka ay doorteen sharci yahay.
 
 
Garab ka mid ah dalladda  SONYO  oo shalay fadhiistay xarunta dalladaasi ayaa  sheegay inay doorteen Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku xigeen cusub oo  dalladaas Hoggaamin doona labada sanadood ee soo socda. Garabka koowaad waxay gudoomiye u doorteen Siyaad Cumar Cali oo ka soo jeeda gobolka Awdal, halka  Guddoomiye ku xigeenkana ay u doorteen  Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo ka soo jeeda gobolka Sool.
 
 
 
Doorashada Garabkani sameeyeen waxa goob joog ka ahaa  Guddoomiyaha xilka ka sii degaya  dalladda SONYO iyo Ku Xigeenkiisa.
 
Siyaad Cumar Cali oo  ah Guddoomiyaha laba garab ee SONYO isku haya midkood doorteen, ayaa uga mahad celiyay ergooyinka doortay.  “Sharaf weyn ayay ii tahay in aad codkiina i siiseen. Taariikh weyn ayaad samayseen iyada oo markii ugu horraysay aad doorateen xubno ka soo jeeda darafyada Somaliland tani waxa ay muujinaysaa wax wada lahaanshaheena. Waxa ay na siinaysaa kalsooni aan dhallinyarada ugu adeegno. Xubnaha kooban ee innaga maqnaaday waxaan ku dadaali doonaa in aan keeno SONYO. Dalladdani waa mid tisqaaday oo aan marnaba looga baqanayn in ay xagal daacdo. Waa ballan in aan xubnaha yar ee innaga maqan si sharaf leh kalsooniddooda u heli doono maadaama intii badnaydba na siiyeen”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha cusub ee SONYO Siyaad Cumar Cali.
 
 
 
Geesta kalena waxa garab labaad oo SONYO ka tirsani ay shalay fadhiisteen Huteelka Dalxiis ee magaaladda Hargeysa, waxaanay Guddoomiye u doorteen  C/Casiis Xirsi Warsame,  oo ka soo jeeda Gobolka Maroodi-jeex, waxaanay ku doodeen Inay yihiin aqlabiyad, sidaas darteedna ay xaq u leeyihiin inay hoggaanka dalladda doortaan.
 
Guddoomiyaha garabka labaad doorteen Cabdicasiis Xirsi Warsame ayaa isna  ka hadlay tallaabada ay qaadeen oo uu sharci ku sifeeyay, waxaanu u mahad celiyay xubnihii doortay, waxaanu balan qaaday inuu ka shaqayn doono midaynta  iyo badbaadada SONYO.
Cabdicasiis oo la hadlayay xubnihii doortay wuxuu yidhi “Waxaad la socotaan in Maalintii Shirweynaha 7aad ee SONYO uu hotel Ambassador uu ka furmay Hargaysa waxa dhacay khaladaad badan, inkastoo aanu xagayaga aanu muujinay tanaasul badan, waxa dhacday in markii la ogaaday inaan aqlabiyada haysano shirkiii laga dareeray oo la diiday Guushii,markaa waxaanu dooranay Boodhkii, balse waxaanu dib u dhiganay Guddoomiyihii oo aanu is nidhi xal ha laga gaadho maantanna (shalay) waxa halkan lagu doortay Hoggaankii Dallada SONYO, waxaan ka shaqayn doonnaa Midnimada Dhalinyarada reer Somaliland, waxaan ka shaqayn doonnaa sidii SONYO loo badbaadin lahaa hal ku dhigga aynu qaadanaynaa waa  SAVE SONYO.”
“Waxaan u mahad-celinayaa dhammaan ergooyinka ka soo qayb-galay Shirweynaha 7-aad ee Dallada SONYO, waxay u dhabar adaygeen wakhti adag, waxay u dhabar adaygeen Caddaadis badan oo la saaray, waxay diideen dano kasta, Lacag kasta iyo af-duub kasta oo loola tagay waxaan leeyahay waad ku mahadsan tihiin midnimada aad muujiseen. Waxaan u mahad-naqayaa Ergooyinka halkan fadhiya iyo guud ahaan daneeyayaasha Dallada SONYO.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdicasiis Xirsi Warsame.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply