Haween Dedaalo Nabadeed Ka Bilaabay Magaaladda Taleex

0
381

Taleex (DAWAN)-Haween Boqol xubnood ka badan ayaa socdaal nabad-raadin ah  ku tagay  degmada Taleex ee gobolka Xaysimo oo labadii bilood ee la soo dhaafay laga wadey  dedaalo la xidhiidhay   soo af-jaridda colaad sannado badan taagnayd oo u dhexaysa laba beelood jiidaas wada dega.
Dumarkan oo ka soo kicitimay xarunta gobolka Sool ayaa waxay kulankoodii u horreeyey kula qaateen dooxada saahood ee Koonfurta degmada Taleex guddiga sahanka nabada iyo waxgarad ka tirsan beelaha Taleex,  waxaana halkaas warbixin ka siiyay, Sheekh Siciid Axmed Cadar oo guddiga ka mid ah.
Sidoo kale, haweenkan oo ay ka muuqatay qiiro xoog badan ayaa waxay si aad ah ugu dheeraadeen sidii xiisadahan colaadeed xal kamadambeys ah looga gaadhi lahaa. Haweenkan ayaa waxay kulammo la qaateen beelaha colaaddu dhex-taallo iyagoo mid walba si gaar ah ula kulmay, iyagoo isku dayayay sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen beelahan.
Siday sheegtay Saynab Maxamed Cabdi oo ah suxufiyad degan Laascaanood, waxa Degmada Taleex labadii bilood ee la soo dhaafay  ku sugnaa ergooyin ka kala yimid deegaanno ka mid gobollada Sool iyo Sanaag, illaa hadanna wali lama soo afjarin shaqaaqadii  ka dhacday deegaankaasi, hase yeeshee waxa kaliya oo lagu guulaystay in shaqaaqadu ay sii socoto oo kaliya.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply