Qoys Si Mucjiso Ah Uga Badbaaday Dayuuradda Burburtay

0
374

Qoys ka kooban 10 qof ayaa si mucjiso ah uga badbaaday dayuuradii shirkadda  Air Asia ee la waayay. Qoyskan oo u dhashay dalka Indonisiya ayaa madaarka soo gaadhay wakhtigii ay kacday dayuuradani iyagoo dib uga dhacay wakhtigii duulimaadka. Chrestiena oo qoyska ka mid ahayd da’deeduna tahay 36 sano ayaa sheegtay in qoyskooda oo ka kooban 10 ruux ay dayuuradu ka hor duushay iyagoo sitay tigidhadii ay ku raaci lahaayen. Gabadh ayaa sheegtay inay  doonayeen inay tagaan dalka Sangphore oo ay ku soo qaataan xafladda sanadka cusub. Chiresteina ayaa intaasi ku dartay in shirkaddu la soo xidhiidhay maalmo ka hor kuna wargeilasya inay dayuuraddu duuli doonto 7:30 subaxnimo, laakin haddana ay dayuuradu bedeshay wakhtigii ay duulimaadkeda bilaabi lahayd ayna duushay wakhti ka horeeya. Waxaana ay  cadaysay in markii ay maadaarka yimaadeen ay filayeen in wakhtigii dayuuraddu duulaysay uu dhaw yahay, laakiin  ay shaqaalaha shirkadu noo sheegeen inay dayuuradii duushay ayna dib uga dheceen. Shaqaalaha ayaa u sheegay in wakhtiga duulimaadka dib loo bedelay ayna ka xun yihiin haddii aan la soo gaadhsiin. Chiresteina ayaa intaasi raacisay in qoyskoodu aad uga xumaaday kana cadhooday duulimaadka looga reebay maamul xumida shirkadda. Waxaana ay intaasi ku dartay in iyagoo ku sugan xafiiska shikadda oo loogu bedelayo Tigidhada duulimaad kale uu soo baxay warka ah inay dayuuraddii burburtay. Arintaasi ayaa anagana nagu keentay naxdin iyo in aanu baajino safarkayagii oo xafladda sanadka cusub aanu ku qaadano halkan.
 

Leave a Reply